MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”) – Qormada 8aad

Boobe Yuusuf Ducaale
Boobe Yuusuf Ducaale

25/6/2012ka ayuu Feysal Cali Sheekh xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejiyay nin cusub oo dhallinyaro ah oo aan hore shaqo dawladeed u soo qaban oo xilkani ugu horreeyo isla markaana dukaan farsamada tilifoonnada ah ku haystay faras magaalaha Hargeysa meel u dhow Boodhari Daryeel Dumar. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista ayaa marka uu iga soo hor baxaba igu odhan jiray yarkii wax ma baranayaa. Kala haab! Show meeshu dadna Wasaarad ayay u ahayd dadka qaarkiina dugsiyo wax lagu barto oo laga soo aflaxo. Show qudhayda ayaa macallin ahaa, halka dadku wasiir iiga haysteen. Karis-xun iyaduna ku la’! Malaha odhaahda xaaladahan oo kale loo cuskan jiray ayaa caynkaas ahayd. CV-yada dadka ay xukuumaddu hawl-gelinayso qolannimada ayaa ugu mudan. Waxaan soo xusuustay tuduc ahaa: “Taana waan naqaannaa, Toobbadayna yeelkaa.”

Hadda reer walba nooc kasta waa laga soo helayaa ee bal adba garo’ waxa xukuumaddeenna indho-saabay. Dibudhaca jira xulasho-xumadana wax kaga dara.

Maalintaa Feysal Cali Sheekh xilkii laga qaaday ayaan xaqiiqsaday in aanan meesha sii joogayn, xataa haddii aan sidaa anigu sii jeclaysto. Waxa si cad iigu muuqatay in tallaabooyin kalena la qaadi doono. Wax-qabadkii aanu ka wadnay wasaaraddu halkaas ayuu ku joogsaday oo qaskii iyo wareerkii wasaaradda dibadda looga soo waariday ayaa bilaabmay.

29/7/2012ka: Ka dib markii uu ballan iyo laba aanu la lahayn nagaga baxay, waxaanu barqadii Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimayaashiisii kula kulannay Wasaaradda Maaliyadda. Anigana waxa ila socday mas’uuliintii maaliyadda iyo xisaabaadka ee TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Mowduuca dooddayadu laba qodob ayuu ahaa:

  1. Kab miisaaniyadeed oo dhammaa 1.2 bilyan oo Somaliland shilin ah oo Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Maxamed Xaashi Cilmi ku kabay Wasaaradda Warfaafinta 2011kii oo maantana loo baahan yahay, miisaaniyadda 2012kana aan lagu darin,
  2. Idaacaddii cusbayd oo aanu shidaalkeedu miisaaniyaddan 2012ka ku jirin sidii  kharash loogu heli lahaa,

Arrintaa markii aanu Wasiir Samaale iyo xertiisii isla gorfaynay, ee ay faylashoodii baadheen waxay noogu jawaabeen waa gar, xaqna waad u leedihiin ee annagu kharash ma hayno. Waxaanu ka codsannay sidii kal hore dhacday ee Maxamed Xaashi Cilmi yeelay in ay warqad noogu qoraan Madaxtooyada si ay kharashkaas meel kale uga raadiso. Wasiir Samaale wuxu noogu jawaabay aniga ayaa Madaxweynaha afka uga sheegaya. Kal hore Maxamed Xaashi Cilmi markii ay xaaladdu halkaas oo kale joogsatay, warqad rasmiya ayuu u qoray Madaxweynaha, sidaas ayaana kabka lagu siiyay Wasaaradda.

Weedha ‘Waa gar’ ee Wasaaradda Maaliyaddu noogu garowday ayaa I soo xusuusisay ma-hadhooyinkii laga reebay awowgay Xaaji Abokor Axmed. Awowgay wuu lug la’aa oo waxa la ii sheegay in Turkigii toogtay, malahayga magtiisii dhawaan ayaanu doonan doonnaaye. Wuxu ahaan jiray af-hayeen garta niqiddeeda loo igmado. Qolo ayaa gar u kaxaysatay, isla markaana ka ballan-qaadday in ay abaal-marin u siin doonaan Baqal uu fuulo. Waa ay u keeni waayeen, marka uu weydiiyana waxay ku odhan jireen: “Waa gar.” Markii uu daalay ayuu ku yidhi: “Ma gar baan fuuli.” Waa tabta ay Wasaaradda Maaliyaddu noogu tidhi: “Waa gar.” Haddaba annaguna “Ma gar baanu shidan, oo shidaal noo noqon.”

30/7/2012ka subaxnimadii oo maalin Isniin ah ahayd ayaa 7.00 saacadood ee subaxnimo aniga oo gurigayga jooga ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrkii xidhay xafiisyadii oo baadhis ka bilaabay xafiiskii xisaabaadka iyo maamulka ee uu mas’uulka ka ahaa Xasan Maxamuud oo tan iyo xilliyo hore diiraddu saarnayd. Waa nin maalintii la I magacaabay Madaxtooyada la iiga sheegay in aan xilka ka wareejiyo, anna aan diiday waayo sabab aan ku eryo ma garanayn oo xilba lama aan wareegin siduu u hawl-galana ma aan arag. Ciddii eriga dalbanaysay waxaan ku idhi: “Ma kiisas uu galay intii iga horreysay ee Xaabsade iyo Geel-jire ayaan ku qaadaa illeyn xilba lama wareegin e’.” Markii aan xilka la wareegayba Xasan Maxamuud waan u yeedhay waxaanan u sheegay siduu u hawl-galo in aan kula xisaabtami doono. Nidarkaas ayaanu wada gallay, waanu ku hawl-galay. Xasan Maxamuud xadhiggiisa iyo erigiisa ma aniga ayaa la ila sugayay, laba sannadood oo hore miyaanu shaqaynayn!

Markii hore ama maalmihii horeba baadhis jihaysan oo Xasan Maxamuud oo keliya ku wajahan ayay ahayd in kasta oo la is-daba-qabtay oo maalmihii danbe la yar baahiyay. Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012ka mar ay saacaddu ku beegnayd 12.30kii saacadood ee duhurnimo Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Xisaabaadka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka ayaa lagu xidhay Saldhigga booliska ee Kood-buur.

1/8/2012ka: Maalmuhu iskuma jiraan e’ waa maalin Arbacaad. Kulan awliyo. Aniga oo xafiiskaygii goor barqo dheer ah fadhiya, ayay xoghayntii Madaxweynuhu tilifoon ii soo dirtay. La-ye Madaxweynaha ayaa ku doonaya. Anna xaggaa iyo Madaxtooyadii isku shubay. Madaxweynihii ayaan u galay. Waxa la joogay Xoghayihiisa Gaarka ah oo keliya. Mar danbe oo ilaa toban daqiiqo ka danbaysay ayuu Wasiirka Madaxtooyaduna soo fadhiisanayaa oo nagu soo biirayaa. Madaxweynuhu wuxu I weydiiyay sida xaalka Wasaaraddu yahay iyo Hanti-dhowrka galay. Arrintu aniga lur caynkaas ah iguma hayn oo meeshaba saddex bilood ayaan joogay.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa igu eedeeyay in aan suuqa iyo meelahaa ka idhaahdo Madaxtooyada ayaa Hanti-dhowrka soo dirtay. Aniguna waxaan odeyga u sheegay in aanay taasi dhab ahayn ee ay wararku u badan yihiin in uu Xirsi hanti-dhowrka soo diray. Waa sida la sheegay in laga soo bowsaday shaqaale wasaaradda ka tirsan oo xidhiidh la leh Madaxtooyada.

Waxaan kala hadlay inanka miskiinka ah ee Xasan Maxamuud ee la xidhay, waayo haddii meesha musuq ka dhacay mas’uuliin ka sarreysay ayaa jirtay.

Dadka qaarkii ayaa moodaya in aan iska qorayo taxanahan. Warqadda xilka sida gardarrada iyo maagga ah la igaga qaaday waxa la ii dhiibay 29/8/2012ka, waqti ku beegnaa ilaa kowdii iyo waxoogaa. Dastuur ahaan Magacaabistayda iyo Xil-ka-qaadistaydaba waxa iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo taa muran maanta ka taagani ma jiro. Markii aan gurigayga tegay ayaan tilifoonka qabsaday. Waxaan la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u sheegay hadalladan kooban:

  • In ay warqaddii xil-ka-qaadistu I soo gaadhay oo aan uga mahad-celinayo,
  • In aan mahad-naqayga iyo dareenkayga ku soo gudbin doono qoraal taxane ah oo in muddo ah socon doona,
  • In aanan bulshadii rayidka ahayd dib ugu noqon doonin bal se aan ku sii jiri doono saaxadda siyaasadda ee uu I soo geliyay,

Intaa ayaanu isku ogeyn Madaxweynaha oo aan u sheegay oo anan ka qarin. Waxa se la yaab lahayd in deris-ku-nooshii dalqada indhaha ku lahayd ee hudheellada hoganaysay meelaha qaar ka lahaayeen hadallo aan fiicnayn ayuu Boobe Madaxweynaha ku yidhi. Waa se doqmo e’ yeelkood.

2/8/2012ka: Waa Khamiis Jimce ka ordaysa iyo kulankii Golaha Wasiirrada. Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd Xafiisyadii Wasaaradda ayaan kormeer ku soo maray subaxdii hore. Xafiiskii Agaasimaha TV-ga Qaranka markii aan marayay ayaan arkay nin aan ahayn Agaasimihii TV-ga Qaranka oo kurisgii Agaasimaha ku fadhiya. Waxaan weydiiyay sababta uu u fadhiistay kursi aanu xilkiisa hayn. Waa Agaasimihii TV-ga Qaranka ee Ingiriiska. Wuxu iigu jawaabay in uu isaguba xil hayo. Anigu waxaan u arkayay in aanu qof iska fadhiisan karin kursi aanu xilkiisa hayn. Ciidankii booliska ee Wasaaradda ilaalinayay ayaan u yeedhay oo aan ku amray in ay kursiga ka kiciyaan xeradana dibadda uga saaraan. Markaas ayay xertii uu ka midka ahaa is-doonatay oo ay Wasiirka Madaxtooyada Xafiiskiisii isku shubeen. Soomaalida ayaa tidhaahda: “Leyligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa.”

Maa daama ay Khamiis ahayd xaggii Shirka Gokaha Wasiirrada ayaan u kacay. Marwo Ifraax oo Xoghaynta Madaxweynaha ka mid ahayd ayaa iigu soo gashay qolkii Golaha Wasiirrada, waxaanay ii sheegtay in Madaxweynuhu i doonayo. Waan u tegay Madaxweynihii iyada oo ay la fadhiyaan Wasiirkii Madaxtooyada iyo afar Agaasime-waaxeed oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsani. Waxay kala ahaayeen: Guddoomiyaha Dawan, Agaasimaha TV-ga qaranka ee Ingiriiska, Agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Agaasimaha Waaxda farsamada ee Radio Hargeysa. Intaasi dhinac ayay ka soo jeedday. Wasiirka Madaxtooyadu dhinaca kale ayuu ka soo jeeday. Waxa la isku soo kaxaystay in Madaxweynaha la iga ashkateeyo. Bal ka warrama dawladnimada iyo dhaqanka caynkaas ah. Weli sheeko iyo shaahid ma ku haysaan nidaamyadan casriga ah wax caynkaas oo kale ah oo ka dhaca. Aniga oo deggen oo xeerinaya xilka Qaran ee I saran ayaan Wasiirka Madaxtooyada ag fadhiistay oo ku idhi: “Waar Odeygu hawlo Qaran ayuu hayaa e’ waxan ha ku dawakhin ee xafiiskaaga ina gee.”

Wuxu iigu jawaabay Wasiirkii aan shaqadiisa u hagaajinayay: “Maya, kol haddii ay Agaasimayaashu halkan soo gaadheen, Odeyga ayay la hadlayaan.” Anna waxaan ugu jawaabay: “Bal soo roga togagga aad haysaan.” Waxoogaa buuq ah ayaa halkii ka dhacay. Hadalka wada saafi maayo e’, waan sar-ka-xaadinayaaye. Waanu murannay, ka dibna sidii aan sheegayay waxay sheekadii ku danbaysay in aanu xafiiskii Wasiirka Madaxtooyada isla tagno iyada oo aanu Madaxweynuhu wax amar ah arrinkoodii ka bixin aan ahayn ‘ha la wada shaqeeyo.’ Wasiirka Madaxtooyadu wuxu iga codsaday in aanan wax tallaabo ah nimankan ka qaadin inta baadhista hanti-dhowrku dhammaanayso. Wax badan oo kale is-ma aanu odhan, anna waayo-aragnimo hor leh ayaa ii korodhay. Aad ayaan ula yaabay. Waxaan si cad u ogaaday waxaan ku dhex jiraa wuxu yahay. Hadallada iyo mahadhooyinka idiin ma wada saafi karayo ee waan idiin sarayaa.

3/8/2012ka: Waa maalin Jimce ah. Habeennimadii ayaan Madaxweynaha anigu u tegay oo ku booqday gurigiisa. Dhaqanku sidii uu ahaa si ixtiraam leh ayaa la ii soo dhawayn jiray, waxaana la I fadhiisin jiray halka aan kula kulmayo. Inta aan sugayo waxa la ii keeni jiray koob shaah ah ama sharaab ah, hadba sidaan dalbado. Habeenkaa sidii dhaqanka ahayd ayaa la I fadhiisiyay. Dhinaca bidix ayaan badanaa ka fadhiisan jiray aniga oo bari u jeeda isna dhinaca koonfureed isaga oo woqooyi u jeeda. Habeenkaa in yar haddii aan fadhiyay, waxa ii soo galay Wasiir Duur oo isaguna ila fadhiistay isaga oo khamiis xidhan maa daama ay Ramadaan ahayd. Cabbaar ka dib waxa soo galay Wasiir Xirsi oo isaguna khamiis xidhan. Anigu macawis iyo cumaamad ayaan sitay.

Odeygii oo qalinkii, buuggii iyo muraaydihii sita ayaa soo galay. Cabbaar ayaa la iska haasaaway oo wax gaar ah lagama sheekaysan. Haddii laga tegi waayo markii uu Madaxweynuhu noo soo galay ayay is-taageen oo Mudane Madaxweyne ku yidhaahdeen. Anna inta aan is-taagay ayaan ku salaamay: “Mujaahid iska warran.” Wasiir Duur ayaa hoos iigu yidhi: ‘Ma sidaasaad u salaantaa?” Anna aniga oo saaxiibkay la kaftamayay, waxaan ku idhi: “Haa, waa inta aanu idin dheer nahay.”

Iskama aan iman meesha ee muraad aan Madaxweynaha u lahaa ayaan u imid oo u baahnaa in aanu keli isku noqonno sida ay aniga iigu muuqatay, saaxiibbaday oo aan uga soo horreeyay oo meesha yimidna garan waaye in ay noo faq daayaan. Markii aan waxoogaa fadhiyay, ayaan Madaxweynaha ku idhi: “Madaxweyne faq yar ayaan kula yeelan lahaaye, Wasiirradu ma ina fasixi karaan?”

Madaxweynihii inta uu aad u naxay oo afka gacanta saaray ayuu yidhi: “Ma Wasiirrada?” Aniguna waxaan ku celiyay: “Haa.” Isaga oo aan wax hadal ah odhan ayay labadii Wasiir kaceen. Markii ay naga yar fogaadeen ayaan madaxweynihii ku idhi: “Adeer, miyaad yar yaabtay?” Wuxu iigu jawaabay: “Haa.” Waxaan ku idhi: “Immisa habeen ama maalmood ayay kula joogeen annaga oo maqan oo weliba mararka qaarkood xaq u lahayn in aanu goob-joog ahaanno.” Intaa ka dib ayaan u sheegay wixii aan doonayay oo u raaciyay wixii immika ka danbeeya kol haddii aan ku sheegay ciddii aad doonto waad la wadaagi kartaa. Sidaa ayaan ku hoyday. Dhaqan ahaan aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, waxan caado u lahaa in aan ku idhaahdo “Adeer.”

(La soco………………………………..)