MAGACAABISTAYDII IYO MAAGISTAYDII: LABA ISKU LAMMAANAA – (Maalin-qorka “Dharaarihii I soo maray”) – Qormada 11aad iyo 12aad

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta

Hal ducasho iyo dihasho ku yimid oo aan halacsaday shalay, ma yar haadiyaa? Bal ka warrama xukuumadda hadalka u hollatay ee Sayid-gaab ka hillaac is-tidhi, Haatufna ka hoor, hungo qaawan in ay tahay, miyuu hadal ka joogaa. Aan tixdii ‘Daahyaley’ tuduc uga baadhno oo nidhaahno:

“Doqon yahay maseyrkiyo,

 Danni lagu abuuree,

 Deeqdii Ilaahay,

 Deel-qaaf ka mudataay,

 Adigiyo Dangaladaa,

 Da’ kastoydin qooqdaan,

 Waxa aydin dihataan,

 Daratiyo ma caal baa,”

Akhristayaashayda sharafta leh ee dadka iyo dalkaba kalgacalka u haya iyo inta qarannimada danaynaysaba, waxaan marti uga ahay in aanay cidna u jawaabin. Innagu majare cad oo aynu danta guud ku daafacaynno ayaynu haynaa, kaas ayaa la inaga leexinayaa. Innagu qof uma jeedno, qolo uma jeedno, gobol uma jeedno. Waxaynu u jeednaa inta dal iyo dadba xumaynaysa. Sidii ku jirtay maansadii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay) ee Deelleeydii ka midka ahayd ee “Ka dartaye ma dibi baa” aynu nidhaano:

“Dalka kii xumeeyow,

 Degdeg oo ha noolaan,”

Anigana Ilaahay intan ha iga dhaafo, qalinkeennaba ma geyaan e’.

Sow tii Mujaahid Macallin Gaarriye intii aanu hoyan inala sii dardaarmay ee inagu lahaa:

“Majaraan hayaa,

 Duul hore u maray,

 Ay mahadiyeen,”

 Waxaan idin ka codsanayaa in aydaan leexan ee toobiyaha iyo tubta toosan haysataan. Intaa kore ee aan idin ka adeegsaday xagga danbe ayaan idiin kaga kabayaa, raalli ahaada.

Sheekadii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Xaaladda oo sida u laba-legdaynaysa ayaan 11/8/2012ka hawl ugu ambo-baxay Juba, xarunta Koonfurta Soodaan. Habeennimadaa aan baxayay Agaasimayaasha oo dhan Hotel Maansoor ayaan casho ugu sameeyay oo kula sii dardaarmay. Xilkii Wasaaraddana waxaan kaga sii tegay Agaasimaha Guud. Xertii Madaxtooyada ku xidhneyd ayaa isku maaweelin jirtay inta uu maqan yahay ayaynu wax walba beddelaynaa.

Warbixinta Juba: 12-15/8/2012ka

Lagama yaabo in badan oo idin ka mid ahi in ay xiiseyso sheekada Juba, bal se aan idiin ka dhaco. Dhinac kale ayaynu iska taagaynaa qaababkan dalka iyo dadkaba loo hoggaamiyo. Waab-hawleed (Workshop) saddex maalmood ah ayaan u tegay oo lagaga doodayay mowduuca ah: Koonfurta Soodaan maxaa lagu aqoonsaday ee Somaliland loo aqoonsan waayay? Si wanaagsan oo hagrasho lahayn ayay xukuumaddu ii sii mabo-bixisay, waanan uga mahad-celinayaa.

Mowduucaas ayaanu ka hadlaynay. Somaliland saddex qof ayaanu ahayn:

  1. Ladan Caafi (aqoonyahan Soomaaliyeed) oo ka hadlaysay taariikhdii Somaliland intii 1960kii ka horreysay,
  2. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay taariikhdii Somaliland: 1960kii-1991kii,
  3. Aadan Xaaji Cali oo qaatay: Sababaha aqoonsiga aan loo helin,,

Waxa xusuus gaar ah mudan oo aan halkanna uga mahad-celinayaa Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo xilal wasiirnimo oo badan soo qabtay oo madashaa dood hodan ah kaga qayb-galay. Run ahaantii wax badani nooma suuro-galeen la’aantiis.

Aqoonyahanno kale oo caalamiya ayaa nagala qayb-galay doodda, waxaana madasha laga soo jeediyay waraaqo (papers) la falanqeeyay oo marka danbena buug ahaan u soo bixi doona dabayaaqada sannadkan.

Dal cusub oo ugub ah ayuu ahaa. Dal hodan ah oo dagaallo rigeysteen dibudhac badanina ka muuqdo. Laakiin rajo badan ayaa taallay. Jaaliyad reer Somaliland ah oo ilaa 200 oo qof gaadha ayaa ku sugneyd oo intooda badani shaqaysata. Waxa kale oo deggen jaaliyad reer Soomaliya ah oo aad u faro badan.

Waa meel u heellan Somaliland bal se la dayacay. 15/8/2012ka ayaan ka soo dhoofay. Bal se intii aanan soo bixin waxa ii suuro-gashay in aan la kulmo laba wasiir oo kala ahaa:  wadaWasiirka Warfaafinta iyo ka Arrimaha Dibadda oo ka danbe aanu isku gacan-qaadnay qolka martida ee Madaarka Jubba.

Maaalintaa mar ay saacaddu ku beegnayd ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan Wasiirka Warfaafinta, Mr. Benjamin kula kulmay xafiiskiisa. Si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyay oo aanay jabhadnimadii ka madhnayn. Biyo ayaa na loo soo dhigay iyada oo loo yeedhay raxan TV-ga ka socotay. Waanu isa salaannay, ka dibna fadhiisannay. In yar ka dib ayaan la soo qaaday Addis-ababa iyo goobihii Mujaahidiinta labada Jabhadood ku kulmi jireen, gaar ahaan bartii Idaacadda. Waxa kale oo aan la soo qaaday labadii af-garasho ee labadii Jabhadood ee SNM iyo SPLA oo kala ahaa 06 iyo 07. Mar kale inta uu is-taagay ayaanu isku dhegnay oo il-bidhiqsiyo xusuusannay maalmahaa dul saarka nagu ahaa.

Markii aanu hadalkii fadhiga ku dhammaysannay ayuu gacanta I qabtay oo igu idhi: TV-gana aynu farriin ka gudbinno.” Waan ka guddoomay oo aniga ayaa ku horreeyay oo ka sheekeeyay sababta aanu Juba u nimid iyo mahad-celin dawladda iyo dadka ah annaga oo soo wadaagnay halgan hubeysnaa oo aad u qadhaadhaa.

Ka dibna waxa makrifoonkii la wareegay Mr. Benjamin, waxaana hadalkiisii dhaabad u ahaa:

  • Soo-dhaweyn uu na soo dhaweynayay,
  • In ay Somaliland xaq iyo dawba u leedahay in la ictiraafo oo adduunyadu aqoonsato,
  • In ay marti-qaad u fidinayaan wefdi rasmiya oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soodaan booqasho ku yimaadda,
  • In ay diyaar u yihiin in ay Somaliland Juba ka furato xafiis diblomaasiyadeed,

Farriimahani ma aha qaar aan idinka uun idiin qorayo oo aan idin ku beer-laxawsanayo, bal se waa qaar aan Madaxweynaha u gudbiyay markii aan soo noqday. Maalmahaa aan Juba joogay ayay dawladda Muqdisho Safiirkeedii soo diratay oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay.

 

Jaalliyadda reer Somaliland ee Juba ku nooli waxay ii sheegeen in ay diyaar u yihiin xataa in ay wax ka bixiyaan oo qaadhaamaan kharashka ku baxaya xafiiska wakiilka Somaliland ee halkaa loo soo diro. Mushkiladda ugu weyn ee haysatay waxay ahayd arrinta  la xidhiidha baasaaboorrada oo haddii loo gurman waayo ay magan uga noqon doonaan Safaaradda Soomaaliya ee Juba.

Juba, waxa la ii sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland weli ka taagan yahay isaga oo ku dhex jira calammada adduunka. Waxa intaa la iigu daray in calankii hore googo’ay oo ay mid cusub ku beddeleen. Waxay jaaliyadda Somaliland ee Juba ku nooli aad uga xumeyd in aanay xukuumadda Somaliland xusuusan kana soo qay-gelin xuskii sannad-guuradii labaad ee looga dabbaal-degay Koonfurta Soodaan. Baasaboorka Somaliland Juba marti kuma aha cidina wax ku weydiin meyso ee shaabbadda markaaba waa laguugu dhufanayaa. Mujaahidiinta marka aad sheekada isla heshaanna, xaalkuba waa dhag oo is-af-garasho la yaab leh ayaa dhacaysa.

Dadku aad ayay u jeclaysteen wefdigii Somaliland ee ka qayb-galay dabbaal-degyadii maalinta xornimada ee Koonfurta Soodaan. Sidaas oo ay tahay haddana jaaliyadda Somaliland booqashadaasi xusuuso kale oo aan weli xiskooda ka tirmin ayay kaga tagtay oo ay tahay in duruus laga barto. Si habaqle ah oo aan habaysnayn oo aanay tirada iyo ujeeddada wefdiguba caddayn ayaa lagu tegay. Markaasaa meel la kala seexdo la waayay. Immika oo ay sannad jirtay oo aanu dabbaal-deg jirin ayaan Juba laga helayn meel la seexdo. Waa habaqlihii London lagu tegay habaqlihiisii. Biil-maalmeed iyo gacan-maris aabbihii goblamay ayaan dadkii looga taag-helayn, madaxdiina aanay ka joojinayn. Inta aynu dan gaar ahaaneed daba soconno, haddii aynu danta guud ka shaqayn lahayn maxaa inaga xumaan lahaa!

Markaa wefdi baa baxaya la maqlo ayaa Madaxaweynaha saf loo gelayaa oo mid waliba sheeganayaa sababo gaar ahaaneed oo ay tahay in wefdiga loogu daro. Cid dantii guud masilaysa oo wax kala hortaa ma jirto. In qofka maya lagu yidhaahdaa waa wax aad iyo aad ugu adag madaxda Qarankeenna. Sidaas ayay dantii guud ku luntay. Xataa mararka qaarkood dad aan dhoofin ayaa kharashka qaata oo aan cidina ka soo celin marka la ogaado in aanay meelna tegayn. Maxaad se kaga daali mararka qaarkood iyaga oo la og yahay in aanay dhoofaynba ayaa laga yaabaa in la siiyo e’. Wakiilkii Somaliland ee Juba fadhiisan lahaa muddo ayuu magacaaban yahay inta badanna waxaad arkaysaa isaga oo meelahaa meeraysanaya oo aanay cidina waxba u diranayn. Haddana sida la sheegayo ictiraafkii waa la inoogu maqan yahay, ictiraaf Jabhadda Koonfurta Soodaan xukunta ka dhowna garan maayo. Waa halkii Gaarriye e’: “Garo’ oo wax baa si ah.”

Booqashadii Koonfurta Soodaan intaa aan kaga baxno, waad u yar baahnaydeen nasashada iyo in aad dibadahana wax ka ogaataan. Sheekadaa an soo xidho.

Teennii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Qaylo-dhaantu ma yara. Dhawaaqyada ugu badan ee igu soo dhacayaa waa qaar loo xiddigiyay oo aan is-idhi xarafka ‘Ga’da ayaa loo irkaday. ‘E-maillada’ iyo tilifoonnada igu soo dhacaya ee dhinaca inta taxanahan dhibsatay ka imanayaa, waxay u badan yihiin: Soo gaabi, soo gunaanad, soo gebagebee iyo waxaad haysaba mar soo wada genbi. Maanta heerka aynu marayno qofna iguma laha qoraalladan jooji, in kasta oo inta xumaha dalkan iyo dadkan jeceli joojintiisa u codeyn lahayd. Maxaa se idinka galay wax kasta oo ay la yimaaddaanba “Veto” ayaa la saarayaaye.

Anna waxaan ugu jawaabaa: “Maxaan soo genbiyaa maba aan bilaabin e’.” Inta saska iyo sakatigaba qabtaa waa inta u heellan hadimada iyo hagardaamada Qarankan aan weli la aqoonsan ee badbaadada iyo ilaalintaba u baahan. Ma waxay moodayaan in aan qalinka u qaatay ka-sheekaynta waxyaabihihii ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta? Sheekadu tahan ayay ka durugsan tahay. Dhaar iyo nidarba waa lagu maray. Dalka iyo dadka badbaadintoodii ayaa bilow ah. Ma aha maqaallo dhammaanaya iyo qormooyin la soo qarqoori doono. Xaalku waa geeddi-socod (process) bilaabmay oo qalin iyo qowlba ah. Haddii aan sidii Hadraawi iyo Gaarriye dabka ugu xiddigiyo, geeddi-socodkan sidan ayaan u sifayn lahaa:

“Murti gooli-baadhoo,

 Gibil saran weeyaan,

 Gudban iyo shax weeyaan,

 Gunaad biiray weeyoo,

 Gumuc lala dhacaayoo,

 Umal gaaxday weeyaan,

 Gubashiyo ladh weeyaan,

 Gocashiyo dan weeyaan,

 Gabay iyo xil weeyaan,

 Bahal loo gabbanayoo,

 Nin geddiis yaqaannaa,

 U gurguuranaayoo,

 Gaadaayo weeyaan,”

Hadda waxaanu xiganaynay maansadii Gol-janno ee Hadraawi. Ma gabay iyo geeraar ayaynu waayaynaa. Kuwii horaa buuxa, kuwo danbaa yaal, raadcaduna ma daallana. Abwaankii Cabdi Iidaan Faarax isagana waxa laga hayaa:

“Dorraad iyo shalay-jire,

 Doorka maanta noo-jire,

 Dib-u-jire hadhow-jire,

 Ninba weel u daray baa,

 Deyn loogu leeyahay,

 Diiwaanka Qarankiyo,

 Taariikhdu dug ma leh,”

Waxaan soo noqday 26/8/2012ka ka dib markii aan hawlo caafimaad u soo joogay Addis-Ababa muddo oo geeridii Meles Zenawina nagu soo gaadhay. War iguma seegganayn Wasaaradda oo e-maillada iyo tilifoonaduba waa ay taxnaayeen, si fiicanna waa ay u xidhiidhsanaayeen.

Intii aan Addis-Ababa joogay ayaan ku war helay in Idaacad siddeedaad oo la jitaabiyay oo FM ah la dhex dhigay Radio Hargeysa. Idaacadaha rasmiga ah ee Wasaaradda u diiwaan-gashan ee sida rasmiga ah u dhex yaallaa waa: FM BBC, FM VOA, saddex FM oo dawladdu leedahay, laba hirarka gaaban ah (Short Wave) oo 100 kw iyo 25 kw kala ah oo ay iyagana dawladdu leedahay. Maalintii aan xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta tirsanayay, waxa xarunta diyaar ku ahayd in la rakibo Idaacad ay leedahay Star FM. Maadaama aanan haynin wax xeer ah oo fasaxaya Idaacado dalka laga furo oo weliba radio Hargeysa lagu dhex rakibo, waxaan ka talo-geliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu go’aaminnay in aan la rakibin. Sidii ayaan idaacaddii Star FM kaga saarnay Radio Hargeysa. Araajida lagu dalbanayo Idaacado cusub oo ay dadku furtaanna waa ilaa dhowr iyo toban codsi. Markaa anigu Wasiir ahaan ma aan oggolaan karayn in ay Idaacad kale timaaddo meesha. Xeerkii Idaacadahaa iyo furashadooda lagu maamulayay wuxu hor yaallaa Golaha Wakiillada.

26/8/2012ka: Madaarka Berbera ayaan ka soo degay galabnimadii aniga oo ka imid Juba, xarunta Koonfurta Soodaan iyo Addis-Ababa oo aan caafimaad u soo maray.

 

(La soco…………………………………)