Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa: “Boobe Yuusuf Ducaale – Qormadii 32

Boobe Yuusuf Ducaale
Boobe Yuusuf Ducaale

Bal hadda aan dhanka kale ka eegno, arrinta iyo sida loo qoray warbixinta hore oo u eg waraaqihii ay qori jireen dadkii ka hoos adeegi jiray nidaamkii bahalka iyo kelidii-taliyahaba ahaa ee Siyaad Barre. Bal hadda kelmadahan u fiirsada uu Hanti-dhowraha Guud adeegsaday ee ah: Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si toos ah ugu tagri faley, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax uu Qarankani ugu qabtay”. Hadda lacagta uu sheegayo ee Xasan Maxamuud ku takri-falay qaddarkeedu wuxu dhan-yahay 927, 725,500/=. Tolow Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ma isagaa kelidii haystay.

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ah kan isku keen haya ee aynu Jamhuuriyadda iyo dawladdaba ku nahay wuxu qorayaa oo uu qabaa in Eedaysanuhu yahay denbi-laawe ilaa ay Maxkamad awood u lihi ku caddayso. Sidaas oo kalena Xeerka uu Hanti-dhawrku u cuskaday eedaynta Xasan Maxamuud waa Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa oo ah Xeer Lr. 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad, kuwaas oo iyaguna la-jaan-qaadaya Qodobka Dastuuriga ah ee odhanaya: Qofku wuxu Denbiile noqon karaa oo keliya marka uu jiro xukun Maxkamadeed oo “kama-danbeys ahi”. Bal haddaba waxaad is-weydiisaan xukun Maxkamadeed goorta uu kama-danbeys yahay ama noqdaba.

Xukun Maxkamadeed wuxu kama-danbeys noqon karaa oo keliya marka uu oofsado dhammaan jaran-jarada looga qaato rafcaannada ee Maxkmadaha Rafcaan iyo Maxkamadda Sare, saddexdaasina isku raacaan: “In danbigaasi dhacay, Eedaysanuhuna yahay kan galay danbiga”. Mar haddiiba ay sharcigii iyo Dastuurkiiba sidaa cad wax u qorayaan, maxay ka dhigan yihiin weedhahan dhagareed ee Hanti-dhowraheennii amranaa adeegsanayo ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si toos ah ugu tagri-faley”.

Miyaanay weedhan hoosta ka xarriiqan ee Hanti-dhawraha Guud muujinayn in uu dusha u ritay xilkii saarnaa Xeer-ilaaliyaha Guud iyo mas’uuliyaddii shaqo ee Garsoorku lahaa? Miyaanay erayadaasi meel-ka-dhac ku ahayn damiirka iyo magac-samida shakhsi ahaan qofka eedaysan? Miyaanay gef ku ahayn Dastuurka iyo mabaadiida bud-dhigga u ah garsoorka ee loo yaqaan “presumption of innocence” ama in qofka loo qabo Eedaysane ilaa Maxkamad horteed denbi kaga caddaanayo?

Dhinac kale aan ka eegto marka uu Hanti-dhawrku qoray warbixintan ugu horreysay 1/8/2012ka ee uu cayimay tirada guud ee lacag ahaan uu ku eedeysan yahay Xassan Maxamuud oo dhammeyd 927,725,500/=, bal hadda tirada hoos u eega waa mid sugan, oo aan muran geli karin, erayada uu ku muujinayana waxay u dhigan yihiin “waxa marag ma doon ah in uu si badheedh ah ugu tagri faley”.

Haddiiba ay sidaa uu sheegayo wax ka jiraan maxaa keenay ilaa maanta in Xasan Maxamuud damiin ku joogo oo kolba muddo kordhin ay codsadaan. Miyaanu saaxiibkeen Maxamuud Dheere ka dhigneyn islaantii loogu maah-maahay “Habar dhali weyday aleelo ku waalatay”. Waxa intaba ka daran qoraalka danbe ee uu ka daba-geeyay Maxamuud Dheere oo uu cinwaan uga dhigay “TAAR” oo far waaweyn ku qoran, sidii wuxu joogo xiligiyadii gumeysigii Ingiriiska ee Taarku ahaa waxa kaliya ee war la iskugu gudbiyo, taas oo uu haddana qaddarkii lacageed ee uu isagu ina lahaa waa marag ma doon kaga noqday ama ku buriyay, mid cusub oo hor lehna ku abuuray. Qaddarkan danbe, sidii aan shalayba idiin soo qoray waa lacag dhan 300,000,000 /= iyo sanaati. Bal hadda halkaa u fiirsada!

Hanti-dhawrku wuxu eeddiisa sal uga dhigay Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa Xeer Lr: 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad. Mar haddii ay dacwadi ku socoto qofka shaqaalaha ah waxa xaaraan ah in tallaabo anshax-marineed ay ku sameeyaan mas’uuliyiinta ka sarreysaa ilaa iyo ay dhammaanayso dacwadda qofka shaqaalaha loo haystaa, iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawlada Xeer Lr. 07/96 Qodobkiisa 33aad. Ujeeddadu waxay tahay in aan qofka shaqaalaha xuquuqdiisa lagu tuman muddadaa uu ku meel-gaadhka ku jiro ee aanay waxna ku caddaan (Denbiile) ama aan wax lagu waayin (la sii deyn), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaa Xasan Maxamuud badhtamihii bishii Ogos, 2012ka u qoray warqad uu ku amrayo in aanu xeyndaabka Wasaaradda soo geli karin. Miyaanay ka dhignayn ceebayn sumcad-dilis ku ah magac-samida qof shaqaale ah oo xuquuqdiisa leh oo isaga oo ku jira xaalada ku tilmaaman Qodobka 33 ee Xeerka Shaqaalaha Dawlada sidaa foosha xun loola dhaqmayo. Bal hadda waxaad u fiirsataan sharciga iyo nooca shaqo ee shakhsi gaar ah sharaf-dilkiisa loo adeegsanayo, iyo awoodda maamul ee cidi iska maroorsatay. Sharciga miyaan loo sinnayn? Miyaan xuquuq isku mid ah muwaaddiniintu lahayn?

Bal hadda dhanka kale aan ka eegno oo aan is-weydiinno awoodda Hanti-dhawraha Guud inta ay le’eg tahay sharci ahaan. Hanti-dhawrku waa Hay’ad madax-banaan oo ku aasasan Xeer Lr. 05/98. Waxay mas’uuliyaddeedu tahay in ay baadhis hufan ku sameyso kharashka iyo dakhliga dawladda soo gala, isla-markaana ay diiwaan-geliso dhammaan buugaagta cashuuraha lagu qabto oo la isku yidhaa “GR” ama General Receipt. Xagga baadhista haddii ay uga soo if-baxaan fal-danbiyeedyo, waxay diyaarinayaan Gal-dacwadeed, kaas oo ay tahay in ay u gudbiyaan Xeer-Ilaaliyaha Guud. Mas’uuliyadda Hanti-dhowrku waa in ay laba shay caddeeyaan: Marka koowaad waa in ay sugaan in denbi dhacay, marka labaadna waa in ay xaqiijiyaan in eedaysanuhu yahay kan galay denbiga,

Hanti-dhawraha Guud wuxu leeyahay diyaarinta warka hore ee eedda in uu bixiyo, kana caawiyo Xeer-ilaaliyaha Guud sugidda caddaymaha kala duwan. Qaabka wada- shaqayneed ee labadan hay’adood ee kala madaxa-bannaan waxa qaabeeya laguna dejiyay Qodobka 20aad iyo 21aad ee Xeerka Hanti-dhawrka iyo 70aad iyo 71aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Guud.

Haddaad saddexdaa qodob isla akhrido, waxa kuu soo if-baxaysa, in Hanti-dhawraha Guud ku fashilmay gudashada xilkiisa isla-markaana uu tahli kari waayay in uu badheedhihiisii fadalka caddaa ee uu marag-ma-doonta ugu hal-qabsaday uu irbad caaradeed u soo gudbiyo hay’adaha Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta. Haddiiba wuxu sidan yahay miyaanay habboonayn in isaga lagu soo oogo dacwad ka dhan ah oo daarran “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran” ama “Magac-dil”.  Miyaanu qabaneyn Xeer Lr. 38/2007 ee uu isagu cuskanayay Qodobkiisa 8aad ee “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran”, mise sharcigaba wuxu u yaqaannaa meel waxaad doontana aad ka qaadanayso, waxaad doontana ka tegayso, hadba sida isaga u dan ah.

Dhacdooyinka iigu xanuunka iyo soo-jeedkaba badnaa intii aan noolaa waxa ka mid ahaa dilkii bahalnimada ahaa ee Jibriil Aammin iyo wiilkii dhallinyarada ahaa ee Cali- Mazda. Odeyga Jibriil Aammin waxa laga xidhay Wasaaradda Caafimaadka ee Muqdisho oo uu Agaasime Guud ka ahaa. Wiilkaa yaraa ee Cali-Mazda wuxu Maxamuud Dheere ka xidhay Wakaaladdii Dayactirka Gaadiidka ee ‘WAGAD’ ee magaalada Berbera. Wuxu ku eedeeyay boqol kun oo shilin sida aan maqlay. Hadda hantida gobolkan Woqooyi-galbeed ee uu mas’uulka ka ahaa lagu boobayay malaayiin dollar waa ay gaadhaysay. Qolyaha reer koonfureedku gobolladii Woqooyi aad ayay u jeclaayeen oo waa ay ku hodmi jireen, waxaanay u yaqaanneen ‘Abu-dabi’.

Labadaa marxuum badbaadintooda muddo ayaanu ku jirnay oo xataa habeenkii ugu danbeeyay Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynihii Jabuuti oo la ii sheegay in ay Jibriil Aammin ilmo-abti ahaayeen ayaa Maxamed Siyaad Barre tilifoon kula soo hadlay. Sidaas ayaanu u ulanayay in labadoodaba xabsi-daa’in laga dhigi doono. Nasiib-darro subaxnimadii danbe ayaa labadiiba la toogtay. Gurigii Jaamac Rabbiile Good, Ilaahay ha u naxariisto e’, ayaanu habeenkii oo dhan ku soo jeednay.

Anigu maanta xil Wasiirnimo oo la yidhaahdo Xasan Maxamuud ayuu ku ilaalinayaa ma lihi ee bal inta Maxkamad la geeyo ha lagu soo oogo waxa lagu haysto. Wasaaradda 375 qof ayaa ka shaqeeya, Xasan Maxmuud keliya ayaa eedaysane ahna wax la qaadan karo, ma aha e’, bal dee Maxkamadda ha la saaro

Waa I noo bilowgii gebegebeda Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa iyo berrito haddii Eebbe inagu simo.

(La soco…………………………………………………)