Magaca Shirkad ku Guulaysatay Gaadiid Kiro ah oo loo doonayo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada tartan loo qabtay dhowr shirkadood oo ku tartamay Gaadiid Kiro oo loo doonayo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Gaadiidka Kirada ah ayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland u adeegsan doontaa hawl-galka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Kuwa sare oo la filayo inuu dhawaan ka bilaabmo guud ahaan gobollada Dalka.

Qandaraaska oo tartankiisa ay ka qayb-galeen Shan Shirkadood oo waddani ah, waxa natiijadiisa ka soo baxday lagu shaaciyey kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaana goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wakiillo ka socday shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

Qandaraaska Gaadiidka Kirada ah ee loo doonayo Wasaaradda Waxbarashada, ayaa soconaya muddo hal sanno ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Md Nuux Maxamed Xuseen.

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inay tartanka Qandaraaskan ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo KFG Group oo muddo hal sanno la shaqayn doonta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose