Magaca Masuul Cusub oo Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbeejooga Somaliland

WAKAALADDA QURBAHAHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa masuul cusub u magacaabay booska Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbejoogga Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey iska bannaanaa, isla markaana ay habacsanaan iyo xil-gudasho la’aan lagu dhaliili jiray.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Xafiiska Saxaafadda ee Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir caawa, waxa uu madaxweyne Siilaanyo Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbejoogga u magacaabay inuu noqdo Cabdi Cabdilaahi Xirsi oo Madaxweynuhu sheegay inuu leeyahay kartidii iyo xil-gudashadii iyo Aqoontii uu ku qaban lahaa xilkaas.

Warsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda Wakaaladda Qurbjoogga Qaranku u leedahay Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:      In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Cabdilaahi Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaa oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.