Magaca Marxuum Jaadle ahaan jiray oo Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku caawa ku toogtay Duleedka magaalada Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Abbaaro 12:00 Caawa saacadda Geeska Afrika waxa kaantaroolka Woqooyi ee magaalada Laascaanood lagu dilay Marxuum la socday gaadhi Jaad siday oo ku sii jeeday dhinaca deegaamada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

news1Askari la sheegay inuu ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Kaantaroolka laga galo Magaalada Laascaanood, ayaa ka dambeeyey dilka Marxuumka, ka dib markii sida la sheegay uu rasaas ku furay gaadhiga Jaadka Siday oo noociisu ahaa kuwa Waaweyn eee Waaraadka loo yaqaano, taas oo sababtay dhimashada Ninka oo oo magaciisa la odhan jiray Jaamac Galbeedi.

Rasaasta Askarigu riday, ayaa timi ka dib markii sida la sheegay ay is-af-dhaafeen Jaadleyaasha iyo Ciidanka Istabta ku sugnaa ee askariga wax dilay ka tirsanaa, sida ay sheegeen goob-joogeyaal la hadlay shabakadda  Gobonimonews oo aanu warkan ka soo xigannay.

Ismaan-dhaafka ayaan la ogayn waxa uu ka dhashay laakiinse goob-joogeyaashu waxay intaas ku darayaan inuu salka ku hayay macaamiil ka dhexeeyay oo laysku fahmi waayay.

Balse waxa goob-joogeyaal kala duwani sheegeen inuu askarigu rasaasta ku furay, kaddib markii Dawaralka gaadhiga waday uu isku dayay inuu boobo Askarta ama khasab ku dhaafo kaantaroolka.

Warku waxa uu intaas ku daray in ciidanka ammaanka ee goobta ku sugnaa ay isla markiiba gacanta ku dhigeen Askariga Dilka geystay, iyagoo xabsiga u taxaabay.

Sidoo kale Ninka dhintay oo isla goobtii naftu kaga baxday, ayaa siday goob-joogeyaashu sheegeen waxa loo qaaday cusbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha dawladda ee Ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo la xidhiidha dhacdadan, hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska iyo Masuuliyiin kale oo dawlada ah ayaa Booqday Cisbitaalka Maydku yaalo, waxaana xubno ka mida laga soo xigtay in falkan baadhis lagu samayn doono.

Askari wax dilay iyo Marxuumka gacantiisa ku baxay ayaa labaduba dhalasho ahaan ka soo jeedaan deegaanka magaalada Laascaanood.

Marxuum Jaamac Galbeedi ayaa ka mid ahaan jiray Jaadleyaashii hore Reer Laascaanood, aadna looga yaqaanay Gobollada bariga, waxaanu muddooyinkii u dambeeyey ka shaqayn jiray shirkadaha ka ganacsata Jaadka ee badeecadahooda isaga tallaabaan Xuduudaha dhulka Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net