Magaalo Xeebeedka Marka Oo Maanta Laga Qabsaday Al-shabaab Kadib Markii Ay Shalay Qabsadeen

Marka(SLpost)-Magaalada Marka oo shalay ay dagaallamayaasha Alshabaab gacanta ku dhigeen ayaa saaka dib looga qabsaday, ka dib dagaal muddo gaaban socday.

Cabdirisaaq Maxamed oo u hadlay ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ayaga oo gacan ka helaya nabad ilaaliyayaasha AMISOM ay magaalada dib u qabsadeen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in saaka uu dagaal ka dhacay gudaha Marka, balse hadda uu ka socdo dibedda magaalada.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu dib u furmay ganacsiga magaalada, ay xaaladuna degan tahay.

Ciidammada AMISOM oo marka gacanta ku hayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa isaga baxay Jimcihii shalay ahaa.