Magaalo Taariikhi ah oo gacanta u gashay Jabhadda Taureg ee dalka Mali iyo Horumarka lama-filaanka ah ee Weerraradooda + [SAWIRRO]

Bamako, 01 April, 2012 (SLpost)- Jabhadda mucaaradka ah ee la dagaalamaysa xukuumadda dalka Mali la wareegay magaaladii ugu dambaysay gacanta dawladda ka dib markii la wareegeen meelihii ugu muhiimsanaa ee dalkaas.

Jabhaddan oo loo yaqaano Taureg isla markaana ah Reer Guuraa Muslimiin ah oo u dagaalamaya inay ka goostaan dalka intii kale, waxay todobaaddadii ugu dambeeyey dagaal dhiig badan ku daatay la galeen ciidamada dawladda oo haatan u muuqda qaar la jabiyey.

MAGAALADA TAARIIKHIGA AH EE TIMBUKTU

Dad ku nool magaalada Timbuktu ayaa xaqiijiyey inay maqleen dhawaaqa rasaasta iyo qaraxyo, markii dambena ay arkeen askarta jabhadda oo si weyn u hubaysan, lana rumaysan yahay inuu gacanta u galay badi hubkii dalka Liibiya.

Jabhadda Tuareg ayaa tallaabadan uga faa’idaysanaya qalalaasaha ku xeeran Af-gembigii milatari ee dalka Mali ka dhacay todobaad ka hor, kaas oo saraakiil darajooyin dhexe ka ah Milatariga dalkaas ay xukunka ka tuuraan madaxweyne Amadou Toure.

SARAAKIISHA AF-GEMBIYEY DAWLADDII DALKAAS

Jabhaddan Muslimiinta ah oo hore u soo qabsaday magaalooyin waaweyn oo Woqooyiga ku yaala, waxay hadda gacanta ku hayaan gobolka ku yaala lamadegaanka Sahara intiisa badan. Dhan kale, dadka ka qaxaya duullaankooda ayaa sheegay in jabhaddu ay ka dalbatay shacabka magaalooyinka ay qabsadaan in sawirrada Haweenka aan xijaabneyn lagu arki karin meelaha dadweynuhu isugu yimaaddo.

Magaalada ay hadda ku hareeraysan yihiin ee Timbuktu oo hore u ahayd xuddunta ganacsiga, kuna caan baxday in loo soo doonan jiray cilmiga Islaamka, waxa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 50,000

Degenaansho-la’aanta wakhtigan ka jirta dalka saddexaad ee Afrika ugu badan dhoofinta Dahabka, waxa sabab u ah isla markaana dabka ku sii huriyey hubkii dalka Liibiya oo gacanta u galay shacab dalka gaar ahaan dadka reer guuraaga ah ee ku teedsan xuduudda dalalka Liibiya la-jaarka tahay.

Dhanka kale, Saraakiisha Milatari ee ka dambeeyey Af-gembiga todobaadkii hore, waxay dawladda ku eedeeyey inay ciidamada siin-weyday Saanad iyo taageero ku filan inay kula dagaalamaan mucaaradka. Haseyeeshee, af-gembigaasi wuxuu isu-beddelay qorshe la damacsanaa oo hadafkiisa la gaadhay, taas oo jabhadda mucaaradka ah ku kelliftay inay sii ballaadhiyaan meelaha ay qabsanayaan ee dalkaas ku yaala.

Madaxweynaha dalka Mali Amadou Toumani Toure oo tobankii sanno ee xukunkiisa xaaladda dalkaas deggenaansho ku soo dabbaalay, balse dhanka kale walaac badan laga muujiyey siyaasaddiisa ku aaddaneyd iska indho-tirka musuq-maasuq si weyn u baahay, ayaa waxa hadda la sheegayaa inuu ku nool yahay meel nabdoon balse aan la magacaabin oo Gudaha dalka Mali ka tirsan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net