“Madaxweynuhu Muu Ahayn Nin Musuq-Maasuq, Balse Fartiisa Ayaa Subaga Lagu Dhuuqay”Cabdirashiid Jaamac-dheri

(SL.Post) Cabdirashiid Jaamac Dheri, oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa meel ka dhac iyo arin fool xun ku tilmaamay in Xukuumaddu Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali ka hor istaagto inuu gargaar gaadhsiiyo dadka degan deegaanka Caynaba.

Cabdirashiid Jaamac Dheri,ayaa sidoo kale sheegay in aanay wakhtigan haboonayn inuu Madaxweynuhu yidhaahdo musuq-maasuqa ha lala dagaalamo, balse wuxuu sheegay inay ku haboonayd wakhti hore,waxaanu taageeray is casiladii Guddoomiyihii Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagalaanka Musuq-maasuqa, waxaanu yidhi “Waa fool xumo in Xukuumaddu weji kale oo siyaasadeed u bedesho gargaarka, dawooyinka iyo taakulaynta dadka loo wado, in Xirsi iyo Weftiga Waddani loo diido inay galaan Caynabana waa meel ka dhac, waana ayaan daro halkii ay Xukuumaddu kaga farxi lahayd ama uga mahadnaqi lahayd cid walba oo iyadu gacan ka geysta taakulaynta iyo gurmadka bulshada,in weji kale oo siyaasadeed u dhigto”

Cabdirashiid Aadan Dheri mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu runtii muu ahayn nin musuq-maasuq lagu tuhmo, intii ka horeeysay Xukuumaddan uu hadda Madaxda ka yahay, hasa yeeshe inuu hadda Madaxweynuhu yidhaahdo waa in lala dagaalama musuq-maasuqa, waa arin saacadiisii ka dhacday, oo aan ahayn maanta maalintii ku haboonayd, waxaana dhab ah in xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu amray in lala dagaalamo musuq-maasuqa, Madaxweynuhu muu ahayn nin musuq-maasuq, halkay wax ka mareena garan mayno, balse fartiisa ayaa subaga lagu dhuuqay, Guddoomiyaha Maamul wanaaga Axmed Muxumed Madar waan ku taageersan nahay inuu is casilo, sababtoo ah meel uu wax ka soo qabtaa ma jirto.”
Somalilandpost.net
(SL.Post)

Somalilandpost.net

(SL.Post)
Somalilandpost.net