Madaxweynihii hore ee Turkiga oo Geeriyooday iyo Milicsiga hoggaamintiisii waddankaas

Ankara (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Turkiga, Kenan Evren, oo waddankaas ku qabsaday afgenbi Milatari oo dhiig badan ku daatay sannadihii 1980-maadkii, ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Ankara ee caasimadda dalkaas.

Kenan Evren oo da’diisu ahayd 97-jir, ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad-darro u yaallay Cusbitaal ku yaala magaalada Ankara.

turkigaHaseyeeshee sannadkii hore, ayaa Maxkamadi ku ridday Xabsi daa’in, kaddib markii lagu qaaday dacwado la xidhiidha inuu iska lahaa masuuliyadda Af-gembigii uu xilligaas kula wareegay xukunka dalkaas, kaas oo galaaftay nolosha dad badan, iyada oo markii uu xukunka la wareegay xadhig, jidh-dil iyo xasuuq kula kacay boqolaal qof oo siyaasiyiin iyo dadka rayid ahba isugu jiray.

Sidoo kale, muddadii uu xukunka hayay Mr Evren, waxa la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadda, waxaa la xidhay hogaamiyeyaasha, iyada oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xisbigii dhaqdhaqaqa Kurdiyiinta ee Turkiga.

Haseyeeshe, waxa dacwadda raggii Af-gambigaas ka dambeeyey soo nooleeyey Xukuumadda Raysalwasaarihii hore immika ah madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogen oo sannadkii 2010-kii xukuumaddiisu shacabka u soo bandhigtay afti loo qaado wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka, kaas oo oggolaanayey in Sharciga la horgeeyo hoggaamiyeyaal nooc ee ka dambeeyey af-gambigaas, iyadoo natiijadii ka soo baxday aftidaasi ay shacabku ku taageeraan go’aankaas.

Kenan Evren, ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa hoggaamiye aad u neceb siyaasiyiinta iyo Xisbiyada garabka bidix, Islaamiyiinta, Dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiinta iyo xataa Dhaq-dhaqaaqa waddaniyiinta, iyadoo shacab badani ku taageersanaayeen mowqifkiisaas.

Somalilandpost.net