Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka George W Bush OO Eedeymo Culus U Jeediyey Donald Trump Iyo Nooca Ay Yahiin Eedeymahaasi

USA (SLpost):- Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush ayaa sheegay in

Ameerika ay u baahan tahay jawaabo la xidhiidha baaxadda ay leeyihiin xidhiidhka u dhaxeeya kooxda madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Image may contain: 1 person, suit and closeup

Waraysi uu siiyey NBC ayuu ku sheegay inuusan hubin in tani ay u baahnaanayso in la magacaabo dacwad ooge gaar ah, sida ay dalabanayaan qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimoqaraadiga.

 

Mr Bush wuxuu kaloo difaacay saxaafadda xorta ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin dimoqraadiyadda.

 Madaxweyne Trump ayaa ku shabbadeeyey hay’adaha warbaahinta ee afka dheer inay yihiin “cadawga shacbiga”, wuxuuna ku adkaystay in wararka sida aan haboonayn ula xidhiidhinata Ruushka inay yihiin “warar been abuur ah”.

George Bush ayaa xayeysiinayey buug uu qoray oo la magac baxay Portraits of Courage: A Commander in Chief’s Tribute to America’s Warriors, kaasoo lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono askartii maraykanka ee shaqaynaysay ka dib weerarradii 9/11 iyo qoysaskooda