Madaxweynihii hore ee Afghanistan oo la khaarajiyey isaga oo kulan la leh Xubno ka tirsan Daalibaan

Kabul, (Ogaal)- Madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan Burhaanu Diin Rabaani iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ururka Daalibaan oo uu la lahaa kulan ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimadda dalkaa ee Kabul, ka dib markii lagu weeraray gaadhi waxyaabha qarxa lagu soo rakibay.

Sida wakaalada wararka ee AFP ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Afghanistan Burhaanu Diin Rabaani waxa uu kulan la lahaa wakhtiga qaraxu ka dhacay gurigiisa laba masuul oo ka tirsan ururka Dalibaan, kuwaas oo uu kala hadlayay sidii ay nabad u qaadan lahaayeen ugana mid noqon lahaayeen xukuumad wadaag ah oo dalkaas laga dhiso.

Burhaanu Diin Rabaani waxa uu madaxweyne ka noqday dalka Afghanistan sanadkii 1992-kii ka dib markii dalkaas laga saaray ciidamadii midowga soofiyeeti lagana awood roonaaday xukuumadii ay taageeri jireen ee ka dhisnayd magaalada Kabuul, lix sanadood oo dhow dhow ka dib waxa isna xukunka ka tuuray xoogagii Dalibaan ee Baakistaan taageeri jirtay, ka dib markii dagaalo xoog leh oo ay ka soo qaadeen waqooyiga dalkaas lagu jabiyay xukuumadiisi waxaanu u cararab dhinaca buuraleyda oo uu ku sugnaa ilaa Kaabul mar kale dib looga qabsaday Dalibaan.

Burhaanu Diin Rabaani waxa uu xiligan guddoomiye ka ahaa golaha dib u heshiisiinta Afghanistan oo uu Madaxweyne Xamiid Karasaay magacaabay lix bilood ka hor, waxa kale oo la sheegay in Burhaanu Diin Rabaani uu kaalin wayn ku lahaa, soo gacan galinta iyo isku soo dhawaynta hogaamiyayaal waaweyn oo ka tirsan Daalibaan iyo xukuumadda Afghanistan, taas oo ay u fududaysay khibradiisi dhinaca mujaahidiinta iyo kooxaha islaamiyiinta ee sida wayn u taageersan kooxda Dalibaan.

Qaraxan lagu khaarajiyay Madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan oo gurigiisu lahaa ilaalo badan had iyo jeer kor meerteeyaan ayaa muujinaya sida ammaanka caasimadda dalka Afghanistan uu halis u yahay xiligan waxaana sida telefishanka dawlada dalkaasi sheegay qaraxaas ku dhintay Burhaanu Diin Rabaani iyo shan qof oo kale oo ka tirsanaa masuuliyiintii uu la kulmayay iyo xubno qoyskiisa ka tirsan. Burhaanu Diin Rabaani waxa uu dhashay sanadkii 1940-kii, waxaanu shahaadooyin badan ku qaatay aqoonta diinta islaamiga, waxa uu wax ku bartay jaamacada Azhar ee dalka Masar oo uu ka qaatay shahaadada Manchester-ka loo yaqaano ee dhinaca fidinta iyo dacwada Islaamiga ah.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net