Madaxweyneyaasha Ismaamullada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya oo lagu Soo dhaweeyey Dhagax-buur

Jigjiga (SLpost)- Madaxweyneyaasha Maamullada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya iyo waftiyo ay kala hoggaaminayaan, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Dhagax-buur ee dhulka Soomaalida Itoobiya.

 

Madaxweyneyaasha Soomaalida iyo Oromada oo Dhagaxbuur jooga 2019

Wafdiyada oo ay hoggaaminayeen labada madaxweyne, ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinta labada degaan, Odayaal dhaqameedka deegaanka labada degaan iyo marti kale. waxaana wafdiga soo dhawayn kala  hortagay shacabka magaalada oo yar iyo waynba isugu jiray.

Wafdiga ayaa inta ay Dhagax-Buur joogaan kulamo la qaadan doona Shacabka magaalada, Wafdiga ayaa lagu wadaa in ilaa maanta ay halkaa ku sugnaadaan.
Labada Madaxweyne iyo waftiyadooda, ayaa maanta ka baxay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida oo maalmihii ugu dambeeyey shir turxaan bixin ahi uga socday Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.