Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Ku dhawaaqay in uu Musharax Madaxweyne-xigeen Yahay

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay Xubnaha Golaha Dhexe iyo Madax dhaqameedka Beelaha Galbeedka Burco iyo Bariga Hargeysa.

 

Hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa uu ku yidhi “Waxa aanu magan idiinka nahay in aad iga yeeshaan sidii aad Muuse Biixi Ka yeesheen oo aad igu xigsiisaan” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 

Ku dhawaaqistan musharaxnimo ee madaxweyne ku xigeenka somalialnd ayaa ku soo beegmaya xili uu khilaaf ba’ani ka taagan yahay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

 

Laba garab ayaa hada loo kala fadhiyaa waxaana kala hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka sharaxan garabna ah iyo Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyaguna garab isgaashaanbuuraysiya ah.