Madaxweyne-xigeenka oo Dhagax-dhigay Dhisme ay Yeelan Doonto Wasaaradda Biyaha Somaliland

Saylici dhagaxdhigHargeysa (SLpost) Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Biyaha Dr C/risaaq Jaamac ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee loo binaynayo Wasaarada Biyaha Somaliland.

Munaasibadda dhagax-dhigga oo ka qabsoontay goobta loo asteeyay in laga dhiso xarrunta wasaaradda biyaha Somaliland oo ay binaynteeda ku guulaystay shirkad dhisme maxali ah oo la yidhaa ALBARAKA ayna soo naqshadaysay Shirkadda RIO.

Agaasimaha wasaaradda biyaha Somaliland Dr Cabdirisaak Jama ayaa dhankiisa Madaxweyaha Somaliland iyo xukuumaddaba ku ammaanay dhismaha xarun loo yagleelo wasaaradda uu agaasimaha ka yahay ee biyaha.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murashaxa jagadda madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in caasimadda Somaliland Hargeysa biyo yaraani ka jirto uguna baaqay in wasaaradda biyuhu ka hawl gasho sidii biyo-yaraanta caasimadda looga bixi lahaa.

Saylici dhagaxdhig 2Madaxweyne xigeenka Somaliland oo gabadii halkaasi ka hadlay ayaa xusay in shirkadda Albaraka safka hore kaga jirto shirkadaha ugu dhismayaasha quruxda badan ee Somaliland waxana madaxweyne Xigeenka Mulkilaha shirkadaasi Albaraka iyo Gudomiyaha KULMIYE Ugu dambayntii siwada jir ah Udhagax dhigeen dhismaha wasaarada Biyaha ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET