Madaxweyne, Waxaad Samaysay Isbeddel Wanaagsan, Ee Hoos U Eeg Hay’adaha Dhaqaalaha Ee Hawl-gabay – W/Q: Mowliid Aadan Cumar

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaad samaysay isku beddel iyo Magacaabis waafi ah oo ay Waxgaradka iyo Shacabka Somaliland  aad iyo aad u soo dhaweeyeen, sidaasi awgeed  waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad samaysay is beddel ku habboon wakhtigan, gaar ahaan Magacaabista  Waasiirka Wasaaradda  Arrimaha Gudaha oo aad u magacowday masuul leh Khibrad Maamuul iyo mid Hoggaamineedba, kana mid ahaa Madaxdii kasoo qayb qaadatay dhismaha Qaranka Somaliland.

Mowliid

 

Dhinaca kale, Mudane Madaxweyne waxaad samaysay saami-qaybinta Beelaha Somaliland ee Xukuumadda inaad si cadaalad ah ugu Xaqsoorto Beelaha wada deggen Dalkan Somaliland.

 

Qodobka Labaad ee ay Shacabku aad iyo aad u soo dhaweeyeen waa Magaacaabistii Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo xataa laga dareemay Ciidanka Qaranka siday ugu diirsadeen Taliyahooga cusub.

Haddaba waxaan ku soo koobayaa Qormadan Hambalyada iyo Tallo-gudbinta isugu jirta.

Laba Qodob oo tallo gudbin ah oo aan u gudbinayo Madaxweynaha ama Gacan-yaraha Madaxweynaha oo ah Wasiirka Madaxtooyada  Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, labadaasi wey qodobna waxa ay kala yihiin:-

  1. Md Madaxweyne adigoo ka wakiil ah dhamaaan iyo Shacabka Somaliland iyo beelaha uu ka kooban yahayba, waxa aan ku soo jeedinayaa inaad dib u eegis ku samayso Mansabyada Beesha Bariga Sanaag ama Beesha Warsangali waxaana  lama huraan ah  inaad ka qayb galiso Mansabyada Muhiimka ah. waxaan kuu soo jeedinayaa inaad  u magacowdo Wasaaradda Maaliyadda si ay u helaan Wasiir ama Mansab labaad oo muhiim ah. Waxa kale oo aan kuu soo jeedinayaa inaad Beesha Ciise oo hal mansab ka haysa Dawladda Somaliland oo dhan inaad dib u eegis ku samayso oo aad u raadiso Mansab labaad.
  2. Mudane, Madaxweyne waxaan ku soo jeedinayaa inaad hoos u eegto Hay’adaha Dawladda ee madaxa bannaan oo qaarkood hawlgab ka muuqdo,  qaar koodna hoos u dhac iyo isbeddel la’aani ka muuqato, sidaasi awgeed Mudane Madaxweyne waxa laga maarmaan ah inaad isbeddel hoggaamineed ku samayso Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo  Xee ilaalinta Guud  Ee Qaranka iyo Xisaabaadka Guud ee Dawladda.

 

W/Q: Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland