“Madaxweyne; Wasiirka Hawlaha Guud Taariikhdii Aad Wadada Ceerigabo Ka Heli Lahayd Wuu Masaxay”

(SL.Post) Muuse Yuusuf Raabi  oo ah xoghayaha qorshaynta  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,ayaa madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu badbaadiyo wadada Ceerigoobo oo uu sheegay in wasiirka hawlaha guud ee ay hoostagtaa uu ku fashilmay.

Waxa uu masuulkani warbaahinta u sheegay in daadad ay qaadeen wadadii Ceerigaabo oo inteeda badan ay carro kaawo tahay, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Wadadii Somaliland oo dhan ay isugu tagtay madax iyo minjaba, dal-joog iyo qurba joogba ee Ceerigaabo  oo daadadkii soo rogmaday ay qaadeen in ku dhow shan boqol oo talaabo oo inta caro kaawo uun la daadiyay ay daadadkiina masaxeen, markaas waxaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland u soo jeedin lahaa wadadii ugu weynayd waxii aad qabatay ee himilada umaddu u soo jeeday, waxay noqotay caro kaawo inta la daadiyay daadku uu qaaday.”

Siyaasigan da’da yari wuxuu intaas raaciyay “Waxaanu ka soo duubnay iyada oo ay baabuurtii wadada dhexdeeda ku jirto, waxaan madaxweyne kuu soo jeedinayaa in wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta ee aad wadooyinkiina ku rartay taariikhdii aad wadadaas ka heli lahayd waa uu masaxay, shan bilood kadib maaalinta aad talada dalka wareejinayso wado Ceerigaabo la yidhaahdo oo aad ka tagaysaa ma jirto ee waa ay maydhantay, waxaan madaxweyne kuu soo jeedinayaa cid ka masuuliyad roon oo lagu aamini karo waxaas qaranka oo dhami isugu tagay oo waxba yaanay kordhine qalabka ilaalisa dayactirna ku samaysa madaxweyne u magacow. waxa la galay xili kala guur ah oo uu madaxweynuuba ka naxay markii uu isugu yeedhay haayadihii musuqa la dagaalmayay, waxa bilaabmay boob iyo dhulka danta guud oo la xaraashayo taas oo wasiirka hawlaha guud iyo guryayntu uu kow ka yahay, waxaan madaxweyne kuu soo jeedin lahaa in sida ugu dhakhsaha badan in loo magacaabo gudidii dabagalka hantida qaranka, kuma filna hanti dhawraha guud  oo kuma filna gudidii musuq-maasuqa ee kala yaacday, baabuurta iyo cagafyada yaala tuulooyinka waa lala kala tagi doonaa sida ugu dhakhsaha badan haddii aan loo magacaabin cid hantidaas daba gasha.”

 

Somaliladpost.net