Madaxweyne, Taabataye’ ee Toosi! (FAALLO) – W/Q: Wariye Cumar M. Faarax

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu codkiisa ku biiray qaracanka shacbigu ka qabaan qalooca ku jiridaystay Maxkamadaha dalka.

Madaxweynaha ayaa si lama filaan ah u shaaciyay in dedaalo uu u galay toosinta Garsoorka labaatameeyaddii bilood ee uu xafiiska joogay  ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, isla markaana cabashadii dadweynaha ee la xidhiidhay garsoorku aanay wali waxba iska dhimin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay farriin uu bulshada u mariyay TV-ga qaranka habeenimadii Sabtidii todobaadkan xiligaasi oo uu dhambaal hambalyo ah u dirayay shacbiga Somaliland munaasibadda ciida soon-fureed awgeed.

 Habeenkaas amranaa waxa dhaliisha madaxweynuhu u jeediyay  Bahda Cadaaladdu ay ahayd mid qaro leh oo culayskeeda lahaa, waxaanay ahayd tii u horeysay ee nooceeda ah ee Madaxweyne Somaliland ahi u jeediyo Garsoorka. Waxay ahayd dhaliil adag oo niyad dhis u ahayd shacbiga oo samirkoodii la xidhiidhay toosinta garsoorku uu dhammaaday.

Fariintaasi waxay tusmaynaysay sida madaxweyne Siilaanyo u yahay Hoggaamiye wali ku xidhan dareenka dadweynihii saaray salaanka dheer iyo kursiga mudan. Waxa madaxweynuhu ka nasan waayay cabashooyinka is dabo-jooga ah ee ka soo yeedhaya shacbiga kuwaasi oo xafiiskiisa u soo gaadha si isa soo taraysa.

“Waxaan dareensan nahay in galdaloolooyin xoog lihi ka jiraan Garsoorka dalka oo aanay cabashadii bulshaduna wali is dhimin. Sidaasi darteed, anigoo doonaya madax-banaanida garsoorka waxaan leeyahay dedaalkiina iyo dedaalkayaguba waa hal bacaad lagu lisay. Haddii aanu garsoorku horumar samaynin oo aanay danyartuna cadaalad helin,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 Madaxweynuhu wuu canaantay, wuu dardaaray, wuu u digay haddii ay digigixoonayaan xukuumta dalku.

“Waxaan idiinku balan qaadayaa cidii lagu qabto leexinta cadaaladda iyo burburinta garsoorka inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo oo aanay naxariis naga heli doonin,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan idiin balan qaadayaa inaan is barbar taago cadaaladda. Waxaan bahda garsoorka kula dardaarmayaa inay dhisaan Garsoorka oo ay dadka ku dhaqaan cadaaladda, dareenkoodana u soo jeediyaan cabashada bulshadda.”

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u balan qaaday inaanu ka daali doonin toosinta cadaalada, waxaanu yidhi  “Waxaan idiin balan qaadayaa inaan is barbar taago cadaaladda. Waxaan bahda garsoorka kula dardaarmayaa inay dhisaan Garsoorka oo ay dadka ku dhaqaan cadaaladda, dareenkoodana u soo jeediyaan cabashada bulshadda.”

Rayul caamka bulshadda gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa ku diirsaday dabuubta madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen kuna tilmaameen mid bilow u ah jid dheer oo lagu saxayo  cadaalad xumada maxkamadaha dalka. Waxa dadka fikradan qabay ay aaminsanaayeen in madaxweynaha looga baahan yahay in hadalkan loo riyaaqay  uu ku lamaaneeyo ficil.

“Waxaan aad ugu diirsaday sidii xog-ogaalnimada lahayd ee Madaxweynuhu uga hadlay dareenkayaga ama dhibaatooyinka naga haystay arrimaha garsoorka. Waxaan u qaatay in wax badani ku saxmayaan farriintaasi oo qudha. Waxaanan ka codsanayaa inuu hadalkiisii fuliyo oo uu cadaaladda dalka u saldhigo si ay u noqdaan maxkamaduhu mid ay shacbigu  aamini karaan, hadalkani wuxuu ifafaale u ahaa sida dawlada uga go’an tahay hagaajinta cadaaladdu,”ayuu yidhi Sacad Cabdi Muxumed.

Waxa jiray dad aaminsan in  madaxweyne Axmed Siilaanyo uu doonayo inuu xididada u siibo cadaalad darrada hadhaysay maxkamadaha oo cabashadoodu ay dami wayday. Waxa dadkani ay ku doodayeen in aanay cadaalad darrada lagu soo afjari Karin oo qudha Garsooreyaal la eryo, hase yeeshee loo baahan yahay in shacbigana la wacyi-geliyo oo la dhacsiiyo inaanay hantidooda ku bixin laaluush iyo in cadaalad darro loo xukumo.

Hagaajinta cadaaladdu waa himiladda ummaddu qabto, qaabka uu madaxweynuhu uga hadlayna waa mid uu doonayo inuu dhardhaarka sadexaad ee qaranka oo ah Garsoorka inuu ka badbaadiyo inuu dumo. Sugida cadaaladuna waa tiir dhexaadka dawladnimo oo la’aanteed  qaranimo aanay jiri Karin.

 Waxaan ku soo khatimayaa Madaxweyne taabatay oo dareentay mashaakilka shacbigaaga ka haysta Garoorka ee waxa la gaadhay xiligii aad sixi lahayd. Waxaan ku gunaanadayaa  Gabaygii ahaa “Cadli Baa wax doojee, wax kale oo rag deeqoo dadka lagaga eed baxo nin u doonay heli waa.”

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com