Madaxweyne Siilanayo oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo Marxuum M.X. Dhamac (Gaarriye) Loogu Sameeyay Hargeysa + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost)- Eebbe Naxariistiisa Janno ha ugu deeqee waxa maanta gelinkii hore Xaabalaha Xeedho ee Galbeedka magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo todobaadkii hore ku geeriyooday Magaaladda Oslo ee dalka Norway oo uu muddooyinkii u dambeeyey xaalad Caafimaad u joogay.

Maytida Marxuumka oo Saaka subaxnimadii hore laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Berbera, ka dib markii habeenkii Sabtida laga soo qaaday magaalada Oslo, ayaa magaalada Hargeysa loogu soo qaaday Baabuur Abmalaas ah, iyada oo ay galbinayaan baabuur tiro badan.

Isla markii Meytida Marxuumka la geeyey Gurigiisa, waxa loo qaaday Xabaalaha Xeedho halkaas oo loogu sameeyey Aas Qaran oo ay Ka soo qayb-galeen dadkii ugu badnaa ee sannadan la arkay inay ka qayb-qalaan Jinaasadda qof Geeriyooday.

COURTESY: Hadhwanaag

Jinaasadda Marxuumka waxa ka soo qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Masuuliyiinta Dawladda, Madax-dhaqameed, Abwaanno, Fannaaniin, aqoonyahan, ardayda Jaamacada, iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo qaarkood ka kala yimaadeen gobollada iyo degmooyinka dalka si ay uga qayb-qaataan aaska Marxuum Gaarriye.

Dhammaan dadkii ka qayb-galay aaska Marxuumka oo Madaxweynaha Somaliland ka mid ahaa, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey naxariistii Janno inuu ka waraabiyo, iyada oo ay dhammaantood ka muuqatay murugada Geerida Macalinkii Weynaa ee Gaarriye, in kasta oo la Ogyahay in Geeridu sugayso qof Kasta.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa