“Madaxweyne Siilaanyoow Guur, oo Wasiiradaadana la Guur” Jamaal Cali Xuseen

 

Hargeysa(SLpost)-Qoraal ka hadlayey wasiiradii is casillay iyo fashilitaanka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayuu musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mudane, Jamaal Cali Xuseen qoray.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Somalilandpost ayaa u dhignaa sidan:

Ninba baa laga hayey isagoo xaaskiisii oo ay is qabteen la hadlaaya; ” Baareey guur, oo sinxigaagana la guur”. shacabku waa in ay ogaadaan in ay Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa iyagu shaqo u dirteen oo isagu uun ay wax ka dhaxeeyaan. Maaha in Siilaanyo iyo inta Kulmiye ku hadhsan fashilaaddii ay ka qaadeen laxaadka wasiiradda is casilay in ay ku jiheeyaan shacabkii oo ay yidhaahdaan qaranka ayeey duminayaan wasiiradda is casilay.

Adduunyadda kale marka tiro intaa le’eg oo wasiir iyo masuuliyiin sarsare ay xukuumad iska casilaan, madaxweynaha dalkuna wuu is casilaa oo waxa uu qirtaa inuu faashil ku yimid xukunkiisii, oo dadka ayuu ku celiyaa. Isagoo sharaf iga mudan, laakiin maanta halka Madaxweyne Siilaanyo uu iska casili lahaa, waxa uu bilaabay in dadkii lagu jiheeyo oo la yidhaa waa qaran dumis wasiiradda is casilay ee aynu ognahay culeyska ay lahaayeen.

Cid weliba way ogtahay nin wasiir ah, oo shaqadda ka tegay oo la shaqeyn kari waayey madaxweyne balan beena siiyey, in aanu ahayn qaran dumis. Qaranka shacabka iyo ciidankiisa qaranka ayaa ilaashanaya oo cidina ma dumin karto. Hay’adda dalka ugu sareeysaa waa shacabka; shacabku waa inay bilaabaan in ay la xisaabtamaan madaxweynahii ay doorteen, mid joogga iyo mid soo socdaba. Dalku uma baahna in mar walba lagu mashquuliyo arrimaha Kulmiye iyo boobka qaawaan ee lala beegsaday hantiddii qaranka. Siilaanyo balan qaadyaddii uu sameeyey ee ciidaa ka badnaa muu fulin oo maye? wuxuu yidhi; hantidda qaranka lama iibin doono, wuxuu ina yidhi doorashaddu maalin igu dhaafi mayso, wuxuu inagu yidhi dawlad tiro yar oo tayo yar baan sameeynayaa. Maalintii dhaweyd ee uu dawladda magacaabayna waxaabad moodeysay in uu jawaan ka soo hurgufay faro badnaantoodda. Dalkan kaabayaashiisii dhaqaale ayuu si badheedh ah Siilaanyo u iibiyey; waxaa ugu danbeysay Haamahii uu baal maray Baarlamaankii oo uu si waadix ah u wareejiyey. Dhulkii danta guud waxba kama hadhsana; in ka badan 500 oo guri oo dawladdu lahayd oo la iibiyey dhaqaalahii ka soo baxayna aan meelna lagu ogeyn. Haddaba shacabka yaan lagu mashquulin wasiiro is casilay ee Siilaanyo oo shantii sanadood ee la doortay ay dhamaadeen, doorashaddii ma qabanayaa? maxay isku og yihiin kooxdan Kulmiye ee uu u cumaamaday, kolay dee waabay difaacayeen hantidii uu wareejiyaye maxaa hoose oo ka dhaxeeya? taasi xilligeeday iman, laakiin arrinka imika yaalla waa yaan wasiiraddan is casilay aan shiciboow cadow laydinka dhigine; indhaha iyo dhegahaba fura; oo hadaad waxba ka garan waydaan xaqbaa u leedahiin inaad tidhaahdaan halku dhigii ninkii aan qoraalka ku bilaabay ee yidhi; “Baareey guur oo Sinxigaagana la guur!” oo shacabkuna ugu badello ” Madaxweyne Siilaanyoow guur, oo wasiiradaadana la guur!. Dalkan Somaliland marna dawlad la’aan ku dhici maayo; shacabkiisa ayaa hareeraha ka joogga. Inshallah dhibaato kasta oo maamul xumo keentana waynu ka talaabsanaynaa. Xilliyo aynu imika ka xumeyn baa jiree shacabkood feejignaadda.

Qalinkii: Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen