Madaxweyne Siilaanyo Shacabka Ku Hambalyeeyay Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed ah wuxuu u diray guud ahaan bulshada Reer Somaliland.

waxana qoraalkaasi u qornaa sidan:-

HAMBALYADA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibeddiisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 17/06/2015, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1436,

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.

Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn  soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.