Madaxweyne Siilaanyo oo Xuska sannad-guurada 33aad ee Aasaaskii SNM kaga qayb-galay Ballan-qaad uu mar kale u sameeyey Mujaahidiinta iyo Agoomaha Shuhadadii Halgankii Dib-u-xoreynta Dalka

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale ballan-qaaday inay xukuumaddiisu wax u qabanayso Mujaahidiinta SNM iyo Agoomihii ay ka tageen Shudadii dhiiggooda u hurtay halgankii dib-u-xoreynta dalka oo tiraba dhowr jeer ooh ore uu ballan0qaadyo wax-u-qabashadooda ku aaddan u sameeyey intii uu madaxweynaha ka ahaa dalka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in xoriyadda maanta la hadhsanayo ee rejada mustaqbal hiigsanaysaa ay ku timi midhihii ka dhashay halgankii hubaysnaa ee ay horseedka ka ahaayeen mujaahidiintii shahiidday iyo kuwa nool ee huwan magaca iyo karaamada Dhaq-dhaqaaqii hubaynaa ee SNM.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal hambalyo ah oo madaxweyne Siilaanyo kaga qayb-galay xuska sannad-guuradii 33aad ee ka soo wareegay Aasaaskii Ururka SNM oo maanta ku beegan.

Dhambaalka madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan:

“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya Afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dhamaanba Mujaahidiintii SNM, meel kasta oo ay joogaan isagoo ugu hambalyeynaya Madaxweynuhu Sannad Guurada 33 aad, oo u astaysan maalinta mujaahidka SNM.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu tilmaamay in mujaahidiintii SNM, halgankii ay soo galeen uu yahay midheheedu kay-nu maanta xor ku nahay, qaran jira ku hogaaminayno, Mustaqbal iyo Rajo wacana aynu hiigsanayno.

Waxay taasi ku timid in muwaadiniin fara-badan oo reer Somaliland ahi naftoodii, xoogoodii, iyo hanta-doodiiba, ay ku bixiyeen inay ku badbaadiyaan, inta badan shacabkooda reer Somaliland oo ay ku noolaadaan nolol xor iyo xalaal ah.

Waa xus iyo xasuus taariikhda ku dhignaan-doona inta qarankani jiro halgankaasi ummaddani ay soo gashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu intaasi ku daray in xukuumad ahaan, sidaan horeba u sheegay, diyaar aanu u nahay waxla-qabashadooda, iyo Taageerada Mujaahidka, iyo Agoomihii ay ka tegeen Mujaahidiintii Dalkan u shihiiday.

Ugu danbayna waxa aan ALLE uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo intii dhimatay, Inta naafada iyo Inta kale ee noolna waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inay ku noolaadaan cisi, sharaf iyo Maamuus.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddadii uu hoggaanka dalka hayey iyo intii uu mucaaradka ahaaba ballan-qaadyo kala duwan u sameeyey wax-ka-qabashada tabashooyinka iyo tabaalaha Mujaahidiinta SNM iyo Agoomihii ay ka tageen shuhadadii Dhiiggooda u hurtay halgankii dib-u-xoreynta dalka. Haseyeeshee, ma jiro wax-qabad muuqda oo lagu demiyey tabashooyinka, baahiyaha iyo Xuquuqdii ay dalkooda ku lahaayeen oo loo qabtay mujaahidiinta tabaalaysan iyo Agoomaha ay ka tageen shuhadadii naftooda u hurtay dalkooda.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tiraba laba jeer Guddoomiye ka soo noqday Ururkii Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed ee SNM oo aasaaskiisa lagaga dhawaaqay dalka Sucuudiga 6-dii April, 1981-kii, isaga oo noqday hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa Afar Guddoomiye oo ururkaasi  yeeshay muddadii 10-ka sanno ahayd ee lagu jiray halgankii dib-u-xoreynta dalka oo dagaal hubaysan lagaga soo horjeeday Milatarigii Dawladdii Kacaanka ee Siyaad Barre oo tacaddiyo bani’aadamnimada baal-marsan u geysatay shacabka Somaliland, kuwaas oo raadkoodu sii qoyan yahay ilaa wakhtigan.

SOMALILANDPOST.NET