Madaxweyne Siilaanyo oo Xukuumaddiisa Xil uga magacaabay Guul-wadihii ugu Weynaa Xukuumaddii UDUB

urlurlurlHargeysa (SLpost)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyi jiray dalka Ireland ee xilligii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo muddooyinkii u dambeeyey ku dhex-jiray xayn-daabka madaxtooyada Somaliland, ayaa maanta loo magacaabay inuu ka mid noqdo la-taliyeyaasha Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

War-saxaafadeed kooban oo maanta ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed inuu noqdo La-taliyihiisa Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay masuulkan, ayaa u qornayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:         Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah;

Markuu Arkay:                 In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:     Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku-qancay:        In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.”

Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa xilligii xukuumaddii UDUB iyo labadii sanno ee u horreyey ee xukuumadda Kulmiye talada haysay, si ba’an u weerari jiray nidaamka hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxaanu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu fada-cad-caddaa cambaareynta iyo aflagaaddada nidaamka maamul ee uu wakhtigan ku biiray, isaga oo ahaan jiray siyaasiga kaliya ee xukuumaddii UDUB u adeegsan  jirtay ku-garaacista mucaaradkii wakhtigaas ugu tunka weynaa oo ahaa xisbiga talada dalka wakhtigan haya ee Kulmiye.

Mar la eego xilka loo magacaabay iyo mansabka uu hore uga hanjiray xukuumaddii tan ka horreysay, ma jirto ujeeddo hawl-shaqo buuran oo u taala, haseyeeshee waxa ay magacaabistiisu noqonaysaa kaliya inuu qabsado shaqadii uu hore ugu hayn jiray Xisbiga UDUB iyo Xukuumaddii Daahir Rayaale ee ahayd in lagu garaaco siyaasiyiinta ay isku beesha ka soo jeedaan.

Xigasho: HAWDMEDIA.COM