Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti ka socda Midowga Yurub

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone  iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabta booqasho shaqo ku yimid caasimada dalka ee Hargaysa,isla markaana kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo

Waxaa weftiga ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal International Airpote ee caasimada hargaysa Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland .

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone  iyo weftigiisu waxay kulan la qaateen Shirgudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland iyagoo ka wada hadlay doorka uu Midowga Yurub ka qaato kobcinta hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland iyo sidii ay u xoojin lahaayeen Mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka fulinayaan.

Michele Cervone ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisii kowaad ku yimaado Somaliland isagoo laga soo bedelay sida uu xusay Wadanka Yemen,waxaanu intaas ku daray inuu kor u sii qaadi doono xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub .

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa warbaahinta u sheegay inay ka wada hadleen Ergaygan iyo Weftigiisa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Midowga Yurub iyo sidii ay u libin laabi lahaayeen kaalmada dhaqaale ee ay ku caawiyaan hanaanka doorashooyinka dimuquraadiga ah ee Somaliland ka hirgalay,waxa uu gudoomiyuhu Xusay inuu Ergaygu u cadeeyay, in lacag dhan Konton Milyan oo Yuuroo ah,ay Midowga Yurub kaga fulin doonaan Somaliland Mashaariicda la xidhiidha Kaabayaasha Nolosha sida Caafimaadka, Wadooyinka,Biyaha iyo wixii la mid ah, isagoo intaas ku daray inay ka codsadeen sidii caawimadaas intaas looga sii kordhin lahaa.

Dhinaca kale Weftigan uu hogaaminayo Ergayga Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ambassador Michele Cervone Waxaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

SomalilandPost News

Hargeysa, Somaliland