Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskii ku qaabilay wefti ka socda Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa iyo Nuxurka kulankooda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda safaaradda dalka UK ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.

Weftigan oo uu horkacayo Chris Allan oo ah ku xigeenka madaxa Hay’adda msiisio, isla-markaana ay weheliyaan xog-hayaha labaad ee safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya Matt woods iyo Haweenay ka socota Hay’adda DFID ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo kaalmooyinka oo lagu magacaabo Paulina.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Cabdilaahi Daahir (Cukuse).

Waxa warsaxaafadeedka lagu sheegay in kulankaas lagaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Adkeynta Nabadgelyada, La-dagaalanka budhcad-badeedda, Xoojinta Xidhiidhka waddamada jaarka ah iyo in kulankani madi tirayo kulan hore oo dhex maray labada dhinac, isla markaana dawladda UK u soo dirtay weftigan sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladaha ka jira Somaliland.

Ka dib kulankii labada dhinac, waxa uu madaxweynuhu uga mahad-naqay weftiga booqashaddooda Somaliland isaga oo dawladda UK ku ammaanay xidhiidhka wanaagsan ee ay Somaliland la leedahay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net