Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka jaray Mashaariic Horumarineed oo laga hirgeliyey Berbera

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah Xadhiga uga jaray Wado laami ah oo isku xidhaysa Madaarka Berbera ilaa Faras-magaalaha, Jid afar haad ah oo laga hirgaliyay dekeda Magaalada Berbera  iyo Garoonka Kubada Cagta oo dhismihiisa la dhamaystiray.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay Weheliyaan Wasiirada Madaxtooyada,Arrimaha Gudaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wershadaha,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa saaka subax u ambo baxay Magaalada Berbera.

Weftiga madaxweynaha ayaa intii uu jidka ku sii jiray si diirran loogu soo dhaweeyey dhamaanba Magaalooyinka iyo Tuulooyinka u dhexeeya Caasimada Hargaysa iyo Berbera, iyadoo Xuduuda labada Gobol ee Saaxil iyo Maroodi jeex ay kaga hor yimaadeen Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera.

Madaxweynaha Iyo Weftigiisu waxay kula kulmeen Jidka isku Xidha Dacar budhuq iyo Berbera gaadhi ku qalibmay oo siday Xoolo laga dhoofinayay dekeda magaalada berbera,iyadoo ciidamada amaanka ee Madaxweynaha la socday ay qaadeen Laba ruux oo shilka gaadhigaasi ku dhaawacmay,kuwaas oo lagu soo dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa u xadhiga ka jaray Wado Laami ah oo isku xidhaysa Madaarka iyo Magaalada Berbera, Waxaana Markaas kadib uu Madaxweynuhu ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu furayay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Berbera,oo ay dawlada hoose hirgalisay isla markaana loogu talo galay inay ka qabsoomaaan Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada dalka.

Waxaana Madashaasi hadalo ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cali Saleebaan Ramaax,Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali oo ka waramay marxaladihii uu soo maray dhismaha Garoonkani,waxaanay Xuseen in Garoonkan ay u dhamaystiran yihiin waxyaabaha laga rabo inuu garoon weyn oo kubadeed yeesho.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay la socdeen hirgalinta Garoonkan isla markaana uu ku faraxsan yahay dhamaystirkiisa.

Waxaa kale oo Munaasibadaas hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo sheegay in horumarku ka bilaabmo iskaashi midaysan oo lala yimaado waxaanu hambalyo u diray Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka degmada Berbera oo ee hirgaliyay Garoonkan ,waxaanu xusay inuu  ka qayb qaadan doono horumarka uu Gobolka Saaxil ku talaabsaday ,Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu soo jeediyay in Garoonkan loo bixiyo Maayar Cabdala sida ay soo codsadeen ayuu yidhi Mas’uuliyiin kala duwan.

Waxa uu Madaxweynuhu Shahaado sharaf gudoonsiiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Duqa Degmada Berbera,Maareeyaha Dekeda Berbera, iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera.

Geesta kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland xadhiga ka jaray Wado Afar haad ah isla markaana uu dhererkeedu dhan yahay Afar Kilo Mitir oo Maamulka Dekeda berbera hirgaliyay isla markaana ay ugu talo galeen inay maraan Gaadiidka Xamuulka ka qaada Dekeda.

SOMALILANDPOST.NET/Berbera