Madaxweyne Siilaanyo oo xadhigga ka jaray jidka isku xidha magaalooyinka Dilla iyo Boorame oo la dhammeystiray, qaar cusubna dhagax-dhigay

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo Wefti Ballaadhan oo Hogaaminayo ay saaka u kicitimeen gobolka Awdal ayaa xadhigga ka jaray waddada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Dila iyo Borama halka uu mashaariic kalena hirgelintooda dhagax-dhigay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa uu hoggaaminayey waxa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Dila, waxaana soo-dhaweynta madaxweynaha ka qayb-qaatay Mas’uuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ee Gobolkaas .

Madaxweynaha  Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Afar Km oo ah wadada isku xidha Dila iyo Boorama oo ay Xukuumadu dhismaheeda fulisay. Waxaa kale oo Madaxweynuhu uu dhagax dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaasi.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay 8km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama. Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hadal uu u jeediyay shacbiga ku dhaqan magaalada Dilla waxa uu uga mahad-naqay sida milgaha leh ee ay uga soo dhaweeyeen degmadaasi,waxaanu ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay markaas kadib u sii dhaafeen magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay warku waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweynuhu uu kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

SLpost News/Hargeysa