Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhigga ka Jaray Jid Cusub oo laga Hirgeliyey Degmada Gacan-Libaax

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray waddo laami ah oo isku xidhaysa Xaafadaha Daami, Sh Nuur ilaa Suuqa Dhexe ee Degmada Gacan-Libaax ee Caasimadda Hargaysa oo ay iska kaashadeen shacbiga Xaafadahaas iyo Dawladda Hoose.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu dhagax-dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga dhisi doono Xaafadda Daami. Munaasabad kooban oo ka dhacday goobta laga dhisi doono saldhiga Booliska ayaa waxaa ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo sheegay in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyey ee soo booqda xaafadda Daami, laamida maanta xadhiga laga jarayna uu yahay wadadii uu horaysay ee Laami ah ee xaafaddaas laga hirgeliyo.

xadhig-ka-jarisMd Barkhad waxa kale oo uu uga mahadnaqay shirkadda ganacsiga guud ee Al-Nuur oo ah shirkadda bixinaysa dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha saldhiga cusub ee xaafadda Daami, waxuuna intaa raaciyey in cabashadii xaafadda Daami ka jirtay ay halkaa ku soo gebagebowday ballanqaadadii xisbiga Kulmiyena u qaaday xaafaduna ay kuwaa ahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisa xaafadda Daami ay ku wehelinayeen Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada iyo Taliyayaasha sare ee ciidamada Booliska iyo Asluubta, ayaa kulan la yeeshay dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee caasimadda hargaysa, waxaana halkaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Degmadaasi Saleebaan samatar Ibraahin iyo afhayeenka gudida horumarinta degmada Gacan Libaax, Maxamed Muuse Habbane.

jidkaMadaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey Dadweynaha xaafadda Sh Nuur ayaa sheegay inuu aad ugu farxay sida ay dadweynaha xaafaddu isu abaabuleen ugana shaqeeyeen danta Guud, halka sidoo kalena Madaxweynuhu sheegay in dhamaystirka waddadani ay waxtar weyn u tahay xaafadda Sh Nuur iyo caasimadda Hargaysa.

Madaxweynaha iyo MaayarkaMadaxweyne Siilaanyo waxa uu ballanqaaday in Xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay gacan buuxda la dhinac joogsanayso dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee go’aansaday inay danahooda horumariyaan, waxuuna madaxweynahu munaasabadaasi si weyn ugu mahadceliyey Mayorkii iyo maamulkii hore ee Dawladda Hoose ee Hargeysa sida ay guud ahaan xilka isaga saareen horumarinta waddoyinka caasimadda.

Somalilandpost.net

C/wahab Guuleed

Hargeysa/Office