Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Burco

Burco, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo ayaa maanta mashaariic badan xadhiga kaga jiray magaalada Burco halka uu qaar kalena dhagax-dhigay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa saaka ku waabariistay waddooyin dhowr ah oo laga hirgeshay magaaladaaasi kuwaas intooda badan ay hirgelisay Dowladda hoose, sidoo kale madaxweyne Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jiray mashruuca laydhka qoraxda laga dhaliyo oo laga taagay waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Burco.

Siilaanyo ayaa dhanka kale furay Ceel-biyood la dhamaystiray kaas oo dadku baahi weyn u qabeen.B

Weftiga madaxweynaha ayaa u soo ambabaxay dhinaca caasimada Hargeysa.