Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Laga Hirgeliyay Deegaanka Waddo-Makaahiil Ee Degmadda Farro-weyne

????????????????????????????????????

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xadhiga ka jaray Ceel biyood ay baahi weyn u qabeen shacbiga ku dhaqan deegaanka Waddo-makaahiil oo ka tirsan degmada Faraweyne oo xukuumadda Somaliland ka hirgelisay.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Munaasibad loo qabtay furitaanka Ceel biyoodkan waxa ka soo qaybgalay, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Maayarka caasimada Hargeysa, Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, Guddoomiyaha degmada Faraweyne, madaxdhaqameed iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay inay Xukuumadda ahaan masuuliyad ka saaran tahay baahiyaha ay qabaan bulshadu “Aad baan ugu farxsan nahay sida qiimaha iyo qaayaha leh ee naloogu soo dhaweeyay deegaankan sharafta leh, waanan idinka mahad-celinaynaa, waxaanan leenahay ALLE ha idinka abaal mariyo , waxaan jecelahay inaan sheego in wax halkan aanu u joogno ay tahay oo aanu dawlad u nahay inaanu dadkayaga wixii ay qabaan aanu ogaano, baahiyahooda wixii aanu ka qaban karo inaanu ka qabano. INSHA ALLAAH halkan baahiyaha laga sheegay intaba wixii aanu ka qaban karayno waanu ka qabanaynaa, wax  alaalle iyo waxaanu kala hadhaynaana ma jirto oo waanu ka hawl-gelaynaa wixii la sheegay, waxay baahiyuhu ka mid yihiin iyo wixii la tabanayo mid walba waanu eegaynaa, waxaanu u maraynaa dalka oo u soconaa oo aanu idiinku nimid,  waa in aanu xog ogaal idiin noqono waxaad tabanaysaan iyo waxaad sheeganaysaan in aanu ogaano, waxaan idinka balan qaadaynaa, hadday biyo tahay iyo hadday wixii kale tahayba inaanu wixii aanu qaban karo aanu qabanayno oo aanu waxba kala hadhaynin,” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo

Wasiirka Wasaaradda biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo isna sheegay in biyuhu ay ka mid yihiin baahiyaha asaasiga ah ee nolosha, waxaanu yidhi “Waxa Sharaf weyn innoo ah Madaxweynuhu inuu halkan dhagax dhigay dhawaan, imikana  iyaddoo biyihii burqanayaan uu yimid waa sharaf weyn, biyuhuna waa baahiyaha bini’aadamka oo haddii aan biyo jirin nololi ma jirto, Ceel waa la qodi karaa oo biyo waa laga soo saari karaa, laakiin in la hayo oo la hanto ayaa ka sii muhiimsan.”

“Waxaanu ka codsanaynaa dadka deegaanka Ceelka nidaam baanu u samaynaynaa, nidaamkaa in lagu shaqeeyo. Nidaamkaasi waxa weeyaan Ceelka in la dayactiro karo oo isagu is bixin karo dadkana wax yar oo aan macno lahayn laga qaadi karo, markaa waxa muhiim ah in Ceelkii wuu inoo qodan yahay, inaynu dayac tirano oo haysano, nidaamka Wasaaraddu u dejisayna la tixgeliyo oo lagu socdo,” Ayuu yidhi Wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray  “Waxa kale oo aan balan qaadaynaa jiidani  waa jiida hawdka, biyo badan ma laha sidii la sheegayay illaa Buuhoodle illaa dhul ka shisheeya, waxa u baahan yihiin runtii in laga qodo Ceelal dhaadheer, dawlada iyo Wasaaradeeddana siyaasadeedu waxa weeyaan inaanu Ceelal dhaadheer qodno, baahida Ceelasha dhaadheer weftigii ugu dambeeyay ee Madaxweynuhu hoggaaminayay ee Imaaraadka tegay, waxaanu weydiisanay in nagala caawiyo arrimahaa oo Ceelal dhaadheer jiida hawdka loo qodo, dhinacan kale Itoobiya waad aragteen waxa laga qoday ilaa 600 mitir ilaa 700 mitir biyo waa laga helayaa, laakiin biyahaasu farsamadooda wey yar tahay halka laga heli karo, inkasta oo uu leeyahay ilaa kun baanu qodi karnaa oo aad bay u yar tahay Riigaga qodi karaa dhuuntaa dheer. Jiidani waa jiida Xooluhu ku badan yahay oo dhinacanu waaba beeralay, waana jiida Xoolaheenu ugu badan yihiin, dadaal weyn baanu saari doonaa oo siyaasada dawladana waa ka mid, jiidaa in Baliyo waaweyn iyo Ceelala dhaadheer loo qado oo biyuhu ku jiraan, haddaynu farsamo ahaan iyo dhaqaale u helno, ahmiyada dawladauna waa biyo, biyuhuna waa nolosha kuwo badana waanu ka qodi doonaa deegaankan.” Ayuu yidhi Md. Baashe Cali Jaamac

Wasiir ku xigeenka xidhiidhka gobolada ee Wasaaradda arrimaha guddaha Axmed Faarax Caddare oo halkaasi, waxa uu yidhi “Aniga waxa sharaf i ah Madaxweyne inay qireen deegaankii aan ka soo jeeday maanta horta in la arkay waa ii sharaf gaar ah, waxaan doonayaa iyagu inay arkaan maanta waa taa Wasaaraddii biyuhu oo Ceelkii waa taa la qoday, macnaheedu waxa weeyaan Wasaaraddii biyaha ayaa goob joog ah, Ambalaaskii halkaasu taagan yahay oo horaa la idinku wareejiyay, waxay ka turjumaysaa inuu soo socdo dhagaxdhigii MCH-ka taana ku bushaaraysta, waxbarashadu wey joogtay oo horaa Iskuulkii loo balaadhiyay oo Wasiirkii beeruhuna uu fadhiyaa, waxaan filayaa beeralay baad u badan tihiine isaguna wixii karaankiisa uu idiin qaban doono. Waxaan jecelahay inaan si aad ah u xuso Ceelkaas ILAAHAY ha barakeeyo, waxaad Madaxweyne ku bushaaraysataa beeshii inay haraadkii ka baxeen, ajarka iyo xasanaadka ka socdaana waa Sadaqa jaariya, ILAAHAYNA intii ka shaqaysay miisaaka xasanaadka ha ugu daro oo Wasiirkii hore ee biyaha oo aan aad u xusayo , Marwo Samsam Wasiirka maaliyada iyo Marwada oo aad u taakulaysay oo Madaxweynuhu ka aqbalay, waxaan ka rajaynayaa Wasiirka biyaha Baashe oo maanta jooga oo xafladan furitaankeeda qaybta koowaad yeelan doona, waxaan leeyahay Wasiir hawshan dayactirkeeda iyo balaadhinteeda INSHA ALLAH ILAAHAY ha ku fududeeyo.”

Sidoo kale Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) ayaa sheegay inay miisaaniyada ugu jirto sidii rug Boolis looga hirgelin lahaa degmada Faraweyne, waxaanu yidhi  “Faraxweyn bay noo tahay in aanu munaasibadan ka qaybqaadano iyadoo taariikhdu xusi doonto, Madaxweynaha Somaliland, Wasiirraddii ka shaqeeyay iyo intii kale ee ka qayb qaadatayba Ceelkan biyaha ah ee halkan laga qoday oo farxadweyn u ah deegaankan oo annaguna aanu ka tirsanahay, annaguna waxaanu ka soconaa deegaankan Madaxweyne oo aannu ka soo baxnay, halkana cod ka helnay. Waxaanu halkan ka balanqaadaynaa sannadkan oo miisaaniyadda noogu jirta Taliyihii Booliskuna wuu joogaaye saldhigii Booliska ee Faraweyne in aanu dhisi doono, Taliyaha Booliskuna wuxuu u soo kordhin doonaa ciidankii oo waxqabadkaan soo dhan waa waxqabadkii Madaxweynaha, deegaankana wax badan baa laga qabtay oo siday odayaashu ku sheegeena Madaxweyne deegaankani adigay aad ku taageersan yihiin, waana dadkii hore codka ku siiyay.” Ayuu yidhi Maaraka caasimada Hargeysa

Dhinaca kale xubno ka tirsan golaha Wasiirradda, Guddoomiyaha degmada Faraweyne iyo madaxdhaqameedka deegaankaasi oo munaasibada furtaanka Ceelkaasi ka hadlay, ayaa Xukuumadda ku bogaadiyay hirgelinta Ceelkan oo ay sheegeen in baahi weyn loo qabay.

Somalilandpost.net