Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhig Ka-jaris iyo Dhagax-dhig ku sameeyey Mashriic ay Hirgeliyeen D/Hoose iyo Wakaaladda Dekedda Berbera

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku maraya gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic tiro badan o ay kala fuliyeen Dawlada Hoose iyo Wakaalada Dekedda Berbera.

Mashaariicda laga hirgleyey dekedda Berbera ee madaxweynuhu xadhig ka jarista iyo dhagax-dhigga ku sameeyey, ayaa waxa ku jiray Dhul baaxad weyn leh oo dekedda Berbera laga hirgeliyey, kaas oo loogu talo-galay in lagu raseeyo agabka Dekedda, sida Koontiinarrda, Wiishashka iwm, halka uu sidoo kale madaxweynuhu kormeer ku sameeyey  dhagax-dhigna ku sameeyey mashaariic dhowr oo dekedda laga hirgeliyey iyo qaar kale oo dekedda lagu kordhin doono dhowaan.

Ugu horreyn, waxa madaxweynaha iyo weftigiisa dekedda ku soo dhaweeyey Maareeyaha Dekedda Eng Cali Cumar Maxamed oo Madaxwaynaha warbixin ka siiyay Afar mashruuc oo laga hirgeliyey dekedda magaalada Berbera, kuwaas oo muddo sannad gudaheeda ah lagaga hirgeliyey gudaha dekedda magaalada.

“Waxa maanta halkan inoo sharaf ah  in madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland uu halkan inoo furo qayb ka mida horumarinta Mashaariicda  dekedda oo  la qabtay mudo sanad ah, Qaybtaasi waxay dhan tahay Toban kun oo mitir iskuweer (10,000m2), waxaana galay  labo kun iyo shan boql oo alaab ah, Qiimo ku dhaw Hal Milyan oo Doolar ayaa ku baxay, waxaanan filayaa dadka Ingineerada ahi way garanayaan marka laba kun iyo shan boqol oo Mitir isku-weer lagu dhufto Sadex boqol oo Doolar, waa Todaba boqol iyo konton kun o doolar,” ayuu yidhi Eng Xoor-xoor.

Waxa kale oo u yidhi Maareeye Cali Xoor-xoor, “Goobtani Bad ayay ahayd oo agabka lagu dhisay qayb ka mida debada ayaanu ka soo iibinay qaybta kalena waa carro kaawooyin aanu ka soo saaray badda.” Waxaanu intaas ku daray in goobta goobta cusub ee lagu kordhiyey dekedda Berbera ay qaadi karto ilaa todoba boqol oo Konteenar.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu xadhigga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay hirgeliysay Dawladda Hoose ee magaaladaas, kuwaas oo kala ahaa sagaal (9) Mashruuc oo  isugu jiray Waddooyin, Dhismayaal Cusub iyo Gaadiid kala duwan oo halbawle u ah shaqada Dawlada Hoose, waxaanu Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku bogaadiyey Duqa Berbera Horumarka baaxadda leh ee uu ka fuliyey magaalada Berbera. Waxa kale oo madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisme loogu talo-galay Bahda Akhrista gobolka Saaxil, kaas oo D/Hoose u cayintay dhulka laga dhisayo inay noqoto goob wax lagu akhristo oo gobolku yeesho.

Waxa kale oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray Dhisme dabaq ah oo ah Xarunta Caafimaadka Gobolka oo dhawaan farta laga qaaday lana qalabeeyey, iyo xarunta daryeelka iyo keydinta Baabuurta Dawlada hoose ee Berbera oo Golaha Deegaanka ee Berbera intii la soo doortay ay hirgeliyeen in gobolku helo xarun loogu soo hagaago baabuurta dawlada hoose halkaas  oo ay ku soo bandhigeen gaadiid cusub oo noocyo kala duwan ah.

Hadal kooban oo madaxweynuhu ka jeediyey halkaas, ayuu mahadnaq iyo dhiirigelin ah ugu soo jeediyey madaxda gobolka iyo shacabka gobolka Saaxil oo uu sheegay inay muujiyeen midnimo iyo wada shaqayn ay tahay in lagaga daydo.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net