Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiir-dawle u magaacabay guddoomiyih Urursiyaasadeedka SSCD

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012

 War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012            ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                   Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bari ee JSL;

 

Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;

 

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado

Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.