Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Taliyihii Ciidanka Asluubta Ee Gobolka Togdheer oo maanta geeriyooday


Hargeysa (SLpost)-Alla ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer Marxuum Jaamac Axmed Qodax (Jaamac Dheeg), ayaa maanta ku geeriyooday dalka Itoobiya, ka dib markii loo qaaday xaalad caafimaad halkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Tacsi u diray Marxuum Jaamac Axmed Qodax (Jaamac Dheeg), isaga oo ILAAHAY uga beryey inuu jannadii ka waraabiyo dhamaan Eheladii iyo shacabka reer Somaliland-na ka siiyo Samir iyo Iimaan

Warsaxaafadeedkan oo naga soo gaadhay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Cabadilaahi Maxamed Daahirr Cukuse, ayaa waxa uu Madaxweynuhu tacsi ugu diray Marxuumka geeriyooday.

 

Warsaxaafadeedkaasi oo faah faahsanna waxa uu u dhignaa sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Asluubta JSL, sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, Geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer MARXUUM JAAMAC AXMED QODAX, (JAAMAC DHEEG) oo ku geeriyooday Dalka Ethiopia 22/07/2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidanka Asluubta JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdilaahi Maxamed Daahir Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

SOMALILAND POST.NET