Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray go’aamo Saamayn ku yeelanaya Hantida Danta Guud, amrayna in Gacanta Dawladda lagu soo celiyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadiisu tahay  JSL/M/XERM/249-1367/102012,  ka soo saaray Hantida Ma-guurtada ah ee Dawladda:

Madaxweynuhu:-

Markuu arkay;  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay;  Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay; Xeerka Dhulka X. Lr. 17/2001,

Markuu tixgeliyey;        Wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay JSL/W/W/236-747102011, Kuna taariikhaysan 16/10/11,

Markuu tixgeliyey;        Xeerarka Dalka ee la xidhiidha Hantida Dawladda iyo lahaashaha,

Wuxuu soo saaray Wareegtadan

Qodobka 1aad

  1. Waxa mamnuuc ah qofka gacanta ku haya Hantida ma-guurtad ah (sida Dhulka iyo Dhismayaasha Dawladda) inuu ku tagri falo iyo in uu qof kale ku wareejiyo.
  2. Waxaa la joojiyey dhismaha dhulka shacabka iyo guryaha dawladda ee aan dawladu gacanta ku hayn. Waxa reeban in magdhaw la siiyo cid kasta oo dhisatay Dhulka dhismaha ka caagan (Dhulka Danta Guud ah, Dhulka Shacabka, Dhulka Garoomada diyaaradaha ku gedaaman, Dhulka Xeryaha Ciidammada, Iskuullada iyo Garoomada Ciyaaraha) mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.

Qodobka 2aad

In aan magdhaw la siin Qofka dhistay, dhalan-roggay ama si uun wax ugu daray Hantida ma-guurtada ee Dawladda, mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.

Qodobka 3aad

In gacan ku haynta Hantida Ma’guurtada ah ee dawladda ee shacabku gacanta ku hayo, lagu soo celiyo gacanta dawlada, waxaana loo saari doonnaa Guddi u gaar ah.

Qodobka 4aad

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, waxaa la faraya inay fuliyaan awaamiirta ay wareegtadani xambaarsantahay. Sidoo kale, dhammaan Taliyayaasha Ciidammada ee Qaranka iyo Booliiska, waxa la faraya inay gacan buuxda ka siiyaan Wasiirrada hirgelinta wareegtadan.

 

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka MadaxtooyadaSomaliland