Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Is-khilaafsan Uga Hadlay Muddo Kordhintii Guurtida Iyo Heshiiskii Xisbiyada

“Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana la yaableh in gudoomiye C/raxmaan Ciro yidhaahdo waa sharci-daro”

“Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waananu u hogaansanahay”

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka isla markaana waxa uu safar ugu baxay gobolka Sanaag.Siilaanyo

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay muddo kordhintii ay guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiillada, taasoo uu ku tilmaamay inay mid sharci ah, waxa kale oo uu sheegay in heshiiskii xisbiyadana ay ixtiraamayaan.

“Waxaan salaan iyohambalyo u dirayaa dhamaanbulshada Somaliland meel-kastaoo ay joogaan, Salaan qiimo badan ka dib waxa maanta ii qorshaysan inaan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuurgalaya mashariic horumarineed oo ka socotameelobadan.

Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar kuhanjabayainayqarankanburburinayaaniyoqaarkahadlayago’aankiiguurtidaee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen,golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.

Arimaha Doorashooyinka waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishankii maamulayey,dhamaan waa naga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamuli daari maha doorashooyinka waxaa iskaleh Komishanka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waana kasugaynaaeedhamaanteenaan la shaqaynomarka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha usoo diyaar garoobo garoonka doorashada.

Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana la yaableh in gudoomiye C/raxmaan Ciro yidhaahdo waa sharci-daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimada guurtida, kuna fadhiyey 5 sanadood oo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursiga aan ku fadhiyaana waa xaaraan ka uu isagu ku fadhiyaana waa xallaal iyadoo guurtidu noo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qaban oo dhegahoodu way qaban waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korranyihiin, dhawaaqyada kazoo baxayana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiifleh oo niyadjabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.

Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waananu u hogaansanahay, waananu ixtiraamaynaa kamanaaan bixin balse,weli lama sharciyeyn waxaananu leenahayay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraandhirino. Dawladayduwaasharci, way jirtaa waanay,jiri doontaa waxaana xilka igala wareegi doona dawlad lasoo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu anagay na saarantahay, Cidkasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirtaa waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqibkeeda.

Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa iskuduubnida, illaalinta nabadgelyada iyo inay gacmaha isu,qabsadaan,horumarka dalka.”