Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dhakhaatiir Mihnaddooda Caafimaad la Aqoonsaday

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shahaadooyin Aqoonsi Caafimaad ah guddoonsiiyey Dhakhaatiir reer Somaliland ah oo ka hawlgala goobaha kala duwan ee Caafimaadka, kuwaasoo uu soo diyaariyey Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka oo Shuruudo cusub soo wada diyaariyey.

Waxa Munaasibadda Shahaadooyinkaas lagu bixiyey oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirro, Dhakhaatiir, Aqoonyahan, Saraakiil Caafimaad, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale.

Madaxweyne Siilaanyo oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dhakhaatiir Mihnaddooda Caafimaad la AqoonsadayMadaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiillada, ayaa Wada-jir u guddoonsiiyey Shahaadooyinkaas dadka Xirfadaha Caafimaad leh ee Guddigu ugu talo-galeen, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo kala duwan. Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa sheegay in Shaqada Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadku Masuul ka yahay kala shaandhaynta Dhakhaatiirta Caafimaadka, hubinta tayadooda aqooneed iyo hubinta goobaha Caafimaadka tayada dawooyinka lagu iibiyo iyo dadka ka hawlgala heerkooda aqooneed, sidaa awgeedna ay Guddigu hawl muddo soo socotay natiijadii ka soo baxday kulankan loo qabtay.

HALKAN KA DAAWO