Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbiga hambalyo ugu diray Munaasibada Xuska 52-guurada Xornimadii Godka Madow dib loogala soo baxay

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay Xuska sannad-guurada 52aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo ku beegnayd 26 June, 1926-kii.

Warsaxaafadeed xambaarsan dhambaalka madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga   Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid  noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay  inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.

Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay  la masuugin aqoonsiga  ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku  xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan  dawladnimo, dimuqraadiya  oo si wacan u hanaqaaday sidaana  la wada ogyahay loona qirsanyahay.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny  wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.”

SLpost News/Hargeysa