Madaxweyne Siilaanyo oo shacbiga ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa shacbiga ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo ahaa ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta ruug caadaaga ah ee Soomaalida oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u qornaa sidan:  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde  oo ku geeriyooday 15/04/2014, Dalka Ingiriiska, gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Qoyska Reer Xaaji Ismaaciil Jirde Aw Cali.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir tusaale u ahaa saxaafada ku hadasha afka Soomaaliga, khaasatan Erey bixinta iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.”