Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland Ku hambalyeeyay Munaasibadda Ciidal-Adxaha

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo), ayaa shacbiweynaha Somaliland, gudo iyo debedba, ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha awgeed.

Warsaxaafadeed xambaarsan hambalyada Madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Md Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweyne Siilaanyo

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  oo ku hadlaaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kastay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin ku saabsan munaasibada islaamigaa ee weyn, ee Ciidal Axda u diraya hambalyo guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Illaahay ka rajeeyey in malaayiinka islaamka ah ee taagan yoomal carafa ducadooda inoo aqbalo,  illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu  kor u qaado .

Shacabka Somaliland-na sanadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.”

SOMALILANDPOST.NET