Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Wasiirkii Hore Ee Shaqada Oo Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa  waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Barre Garaad  oo saaka (24/06/2015)  ku geeriyooday Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.

Waxaanu ahaa Oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga somalilandba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed gollaha guurtida ka tirsan, mudooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha wasiirada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.