Madaxweyne Siilaanyo oo Saqdii Dhexe ee Caawa Isku-shaandhayn Sameeyey, Tirada Seeftu jiidhay, Xubnaha Cusub iyo inta la beddelay

 Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreetooyin kala duwan oo uu caawa soo saaray xil-ka-qaadis, isku-beddel iyo magacaabis ku sameeyey masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda, kuwaas oo qaarkood ku cusub yihiin saaxadda xukuumaddiisa.

Masuuliyiinta uu madaxweynuhu isku-beddelka, xil-ka-qaadista iyo magacaabista ku sameeyey, ayaa isugu jira guddoomiyeyaal gobol, Agaasimeyaal, guddoomiyeyaal hay’adeed, taliye iyo wasiir ku-xigeen.

Digreetada madaxweynuhu waxa ay samaayn ku yeelatay guddoomiyeyaasha gobollada Gabiley, Saaxil iyo Sanaag, kuwaas oo midkood xilka laga qaaday, halka labada kale loo wareejiyey hay’ado kale, kuwaas oo beddelkooda loo magacaabay masuuliyiin cusub.

Sidoo kale, wareegtada madaxweynuhu waxa ay saamaysay agaasimeyaashii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cadaaladda, Tacliinta Sare, Diinta iyo Kalluumaysiga, kuwaas oo laba ka mid ah xilalka laga qaaday, halka kuwa kalena isku-beddel lagu sameeyey.

Xilka ka Qaadis

MASUULIYIINTA LA ERGAYEYMadaxweynaha Somaliland waxa uu xilalka ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise, Guddoomiyihii gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geeddi, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed iyo Agaasimihiii hore ee wasaaradda Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdirashiid Jibriil, kuwaas oo dhammaantood uu ka fadhiisiyey shaqadii xukuumaddiisa ka hayeen.

Magaaabis Cusub

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu masuuliyiin cusub u magacaabay gobollada Saaxil, Gabiley, Sanaag. Madaxweynuhu waxa uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil u magacaabay masuul cusub oo magaciisa la yidhaahdo Fahmi Cabdi Bidaar, halka badhasaabkii hore ee gobolkaas Cali Maxamed Cilmi u wareejiyey wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiyaha Gobolka Gabiley u magacaabay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo hore u ahaan jiray guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta ee SOLJA xilligii xukuumaddii UDUB.

Md Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo hore u soo ahaan jiray Guddoomiyaha gobolka Saaxil, balse uu hore xilka uga qaaday, waxa uu digreetadiisa caawa ugu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag, halka guddoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geelle (Dacar) loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) oo uu hore xilkeeda u hayn jiray ka hor intii aan loo magacaabin badhasaabka Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu guddoomiye iyo ku-xigeen cusub u magacaabay guddiga Mihnadleyaasha Caafimaad. Dr. Axmed Xaashi Oday oo xukuumadda Siilaanyo hore uga soo qabtay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Boosaha, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland halka guddoomiye ku-xigeenka guddigaasna loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu taliyaha cusub ee Ilaalada Ciidanka Madaxtooyada Somaliland u magacaabay Axmed Cali Maygaag, ka dib markii xilka ka qaaday taliyihii hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise.

Sidoo kale, Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, ayaa madaxweynuhu u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Masuuliyiinta Cusub ee digreetada madaxweynaha Xilalka loogu magacaabay waxa kale oo ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta oo lagu beddelay masuuliyiintii hore ugu magacownaa ee digreetada madaxweynuhu galaafatay.

Waxa digreetada lagu sheegay In Aadan Cabdilaahi Cabdille uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, halka Maxamed Cilmi Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Isku- beddel

Agaasimihii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Abiib Axmed Cali, waxa loo beddelay inuu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Somaliland. Halka Agaasimihii hore ee Tacliinta loo beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka.

Sidoo kale, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Cilmi Aadan, waxa uu madaxweynuhu u beddelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.