Madaxweyne Siilaanyo oo Salaaddii Jimce la Tukaday Dadweynaha Reer Gabiley (DAAWO SAWIRRO)

Gabiley (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Salaadii Jimcaha waxa uu la tukaday Mujtamaca Reer Gabiley oo uu madaxweynuhu si lama filaana ugala qayb galay salaadii Jimce halkaas oo uu kula tukaday masjid jaamaca magaalada gabiley.

Madaxweynaha oo aan wadan wax baabuur ciidan ah ama Baabuurtiisa Khaaska ah balse wata Laba gaadhi oo shiciba ah, ayaa mar keliya ay dadkii masjidka ku tukanaayey ku baraarugeen iyaga oo markii salaada laga soo baxay isugu soo ururay Barxada weyn ee Masjidka, si ay indhaha uga qaadaan ama ay u rumaystaan in uu madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland isaga oon wadan wax ciidan ah ama ilaalo gaar ah marka laga tago 4 Askari oo markaa ka muuqday agagaarka Masjidka uu la tukaday manta.

Dadkii isugu soo baxay barxaadaasi masjid ayaa waxay ku dhawaaqayeen soo dhawow madaxweyne kuna soo dhawow Gobolka Gabiley, oo aad maanta nagula tukatay, adiga oo aan wadan baabuur badan iyo ciidana waxay na tusaysaa inaad tahay madaxweyne dadkiisa Jecel anaguna waanu ku jecelnay madaxeweyne ee ku soo dhawow Gobolkaagaaga

Hadaba, waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska General Cabdilaahi Fadal iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland General Faysal Kaamil Ciise.

Madaxweynaha oo ku soo laabtay Caasimada Hargeysa, Salaadii jimce ka dib waxa uu soo maray Xabaal wadareedyada dooxa Abaarso ee xasuuqii Siyaad Barre uu kula kacay Shacbiga reer Somaliland oo uu madaxweynuhu soo kormeeray, kuna soo arkay kuwo daadku soo faqay iyo kuwo lahelayba.