Madaxweyne Siilaanyo oo Safar aan hore loo shaacin ku tagay Magaalada Laascaanood ilaa Tuulada Gambadha ee jiidda hore

Laascaanood, (SLpost)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool isaga oo markii dambe u sii dhaafay jiidda hore ee ciidamada Somaliland ku sugan yihiin ee tuulada Gambadha.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ku sugnaa magaalada Burco, waxa uu si kedis ah magaaladaas uga baxay abbaaro 4tii subaxnimo isaga oo waagu ugu baryey Kaantaroolka Woqooyi ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa magaalada Laascaanood kulamo kula yeeshay masuuliyiinta gobolka, degmada, ururrada haweenka iyo kuwa rayidka, ka hor intii aanu u ambo-bixin dhanka Tuulada Gambadha oo dhinaca Bari kaga began magaalada Laascaanood isla markaana ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka JSL ee jiidda hore ee xudduudka Somaliland iyo Soomaaliya.

In kasta oo safar madaxweynaha ee gobollada Bari ee dalka lagu shaaciyey inuu ku ekaanayo gobolka Togdheer isla markaana uu ku sugnaanayo muddo laba cisho ah, haddana waxa uu safarkiisa magaalada Laascaanood ku soo beegmay maalin ka hor iyada oo magaaladaas lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sool oo dhaawac loo keenay cusbitaal ku yaala magaalada Burco ku geeriyooday.

Waa madaxweynihii labaad ee Somaliland ee Socdaal ku taga magaalada Laascaanood tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda.

Wixii cusub ee ka soo kordha kala soco SomalilandPost

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net