Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga madaxtooyada ku Qaabiley Ardayda Dugsiyada Sare ee Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah ardeyda dhigata dugsiyada sare gobolka Maroodijeex

GOBOLKA (4)Ardeydan oo ay wehelinaysay wasiirka waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Hargeysa Xuseen-Dheere, ayaa ka kala socday dugsiyada sare ee ay dawladdu gacanta ku hayso, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Faarax Oomaar Secondry School, Maxamuud Axmed Cali Secondary School, Dayib Guray Secondry School iyo 26 June Secondry School.

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyey shir soo dhaweyn ah oo uu xarunta madaxtooyada ardeydan ugu qabtay ayaa sheegay in ay tahay markii u horeysay ee ardeyda dugsiyada Sare soo booqdaan madaxtooyada si ay ula socdaan habsami u socodka shaqada qaranka loo hayo. “Aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa waa markii u horeysa dhalinyaro idinka oo kale ah timaado madaxtooyada, isla markaana aad daawanaysaan habka iyo nidaamka loo shaqaynayo, waxaanay taasi muujinaysaa in dalkan la wada leeyahay, halkana kolay qaar idinka idin ka mid ah uunbaa fadhiisan doona Insha Allah goorta ay doonto ha ahaatee, dalka idinka ayaa leh mustaqbalkiisiina waad tihiin, markaa aad baan idiinku soo dhawaynayaa xafiiska madaxtooyada,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyey ardeyda dugsiyada sare ee Caasimadda.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Madaxtooyadu waa madaxtooyadiini, madaxweynuhu waa madaxweynihiinii, wasiiradu waa wasiiradiinii, masuuliyiintu waa masuuliyiintii bari idinku wareejinayey, markaa cida ay meeshani sugayso mustaqbalka waa idinka.”

SOMALILANDPOST.NET