Madaxweyne Siilaanyo Oo Muujiyay Sida Uu Ugu Fashilmay Isbadalkii Loo Doortay Magacaabayna Wasiirkii Maaliyada ee Rayaale

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay u magacaabay wasiirkii hore ee maaliyada xukuumaddii Daahir Rayaale La Taliyaha Ictiraaf Raadinta iyo Arrimaha Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku badal iyo magacaabistan oo dad badan saamaysay mar kaliyaata lagu dhex arkay inuu madaxweynuu go’aansaday inuu xil u dhiibo Cawil Cali Ducaale oo ahaa masuulyiintii xisbiga Kulmiye wakhtigii uu mucaaradka ahaa aadka u dhaliili jiray isla markaasna shacbiga u sheegay in dalka laga badbaadinaayo, waxaana go’aanka madaxweyuu uu u dhignaa sidan “Waxaan go’aansaday In Mudane, Cawil Cali Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraaf Raadinta iyo Arrimaha Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.”

6436-279x300

Madaxweyne Siilaanyo ayaa intii uu xilka hayay magacaabay ku dhawaad labaatan masuul oo tiirar u ahaa xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaale oo uu aad ugu mucaaradi jiray in dalka hogaamintiisa ay ku fashileen, waxase haatan muuqata in madaxweyne Siilaanyo aanu wadin qorshe isbadal oo dhanka dalka ah ee uu u hanqaltaagay uun inuu ku fadhiisto kursiga madaxtinimo ee dalka.

Hargeysa Somalilandpost