Madaxweyne Siilaanyo oo Munaasibadda Ciidal Fidriga ku hambaleeyey Shacabka Somaliland iyo Dunida Muslimka

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin  u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda  Ciida Barakaysan ee Ciidal Fidriga  awgeed

Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynuhu, isagoo shacbiga la  wadaagaya farxadda ciidda waxa uu  illaahay ka  baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, innagana   uu naarta  innagga xorreeyo.

waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Madaxweynuhu isaga oo ka faa’iidaysana munaasibada CIIDA barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay dhammaan isa-saamaxno, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND…. saamax-naakum.

Sidoo kale maalinta beri ah ayuu madaxweynuhu Khudbad u jeedin doonaa bulshada Somaliland, Salaada Ciidal Fidriga ka dib.

CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK

 “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

ALLAA MAHAD LEH