Madaxweyne Siilaanyo oo muddeeyey wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa muddeeyey xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada dalka, taas oo uu ku jaan-gooyey muddo-kordhin sannad iyo toban bilood ah oo Golaha Guurtidu u sameysay Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilliga doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada ku muddeeyey inay dalka ka qabsoomaan 28-ka bisha March 2017-ka oo ku beegan muddo-kordhinta loo sameeyey, kaddib markii Maxkamadda sare qaraar ka soo saartay muran ka taagnaa muddo-kordhinta Guurtida oo u dhexeeya Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda.

War-saxaafadeed lagu faafiyey Digreetada xeerka madaxweyne oo ka soo baxday xafiiska afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay: Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay: In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo hore loogu muddeeyey inay dalka qabsoomaan bishii June ee sannadkan oo muddo-xileedka madaxweynuhu ku ekaa, ayaa la filayaa inay dalka ka qabsoomaan bil ka hor muddo-xileedka Sannadka iyo Tobanka bilood ah ee Golaha Guurtidu hore u samaysay oo ku beegan bisha Afraad eee sannadka 2017-ka.