Madaxweyne Siilaanyo oo Masuuliyiintii Iska Casilay Xukuumaddiisa ku beddelay Kulmiyehanno firfircoon oo dhalinyaro u badan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa buuxiyey boosaskii ay iska casileen masuuliyiintii shalay shaaciyey inay ka tageen shaqada dowladda qaarkood, isagoo sameeyey isku beddel iyo magacaabis cusub oo qaarkood ay ka mid yihiin rag dhalinyarada ah oo Kulmiyehannimadu ku dheer tahay.

Wasiirkii Wasaaradda Qarsheynta Dr Sacad Cali Shire, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu iska casilay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada oo uu iska casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan.

KULMIYEHANOSidoo kale, wasiirkii wasaaradda Nabadeynta Gobollada Bari waxa uu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu iska casilay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Dr Cabdi Aw-Daahir.

Wasiirul-dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, ayuu madaxweynuhu u magacaabay wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada. Halka Wasiir ku-xigeenkii hore ee maamulka iyo degmooyinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Cadare, ayaa loo magacaabay Wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda.

Masuuliyiinta Cusub ee madaxweynuhu magacaabay oo dhammaantood ah rag dhalinyaro ah oo Kulmiyahannimadu ku dheertahay, waxa ka mid ah Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Kenya Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) oo loo magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka. Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka tirsanaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye, ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu iska casilay wasiirkii hore Cabdirisaaq Khaliif. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Xuseen Aaden Cige (Deyr) oo ka mid ah Dhalinyarada Qalin-maalka ah ee Xisbiga Kulmiye, kaddib markii uu xilkaas banneeyey Afhayeenkii hore ee wasaaradda Axmed Saleebaan Dhuxul oo shalay shaaciyey inuu iska casilay xilkaas.

Masuuliyiinta shalay iska casilay oo sababta go’aankooda la xidhiidhiyey khilaafka ka taagan murashaxnimada Kulmiye, waxa ugu miisaan cuslaa oo ka mid ahaa Wasiirradii Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Shaqada, Cadaaladda, Hawlaha Guud, afhayeenkii madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenkii Dib u dejinta.

SOMALILANDPOST.NET