Madaxweyne Siilaanyo oo Markii u horreysay Ka Hadlay Khilaafkii gobolka Togdheer Tartanka Ciyaaraha ka Reebay, Dhalinyaradana xusuusiyey Ujeeddada Qabashadiisa

IMG_0302Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta xafiiskiisa kulan soo dhawayn ku  qaabiley xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Gabiley oo ku kala guulaystay koobabkii kubadaha Cagta iyo Kollayga ee tartanka ciyaaraha goboladd dalka, ayaa ka hadlay ujeeddada laga leeyahay tartanka ciyaaraha, isaga oo dhanka kale tilmaamay inaan loo baahneyn dhacdadii lagu xayiray ciyaartoyda Gobolka Togdheer.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirradda Ciyaaraha, Warfaafinta, Madaxtooyada, Badhasaabbada Gobollada Maroodi-jeex, Gabiley iyo xulalkii kubadaha Cagta iyo Kollayga ee labada gobol, waxa uu madaxweynuhu ugu horreyn labada xul ku bogaadiyay dedaalkii ay ku mutaysteen inay noqdaan horyaalka kubadaha cagta iyo kollayga.  “Waxa Farxad weyn ii ah inaan halkan Madaxtooyada kula kulmo dhalinyaradii ciyaarihii goboladda ka qeyb galay ee ku guulaysatay. Xulka Maroodijeex oo ku guulaystay koobkii kubadda cagta iyo Xulka Gabiley oo ku guulaystay Koobkii Kubadda Kollayga Ee tartanka goboladda,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaaruhu ay qaranka ugu fadhiyaan magac iyo maamuus, waxaanu yidhi, “Ciyaaraha Markaynu ciyaarayno waxay qaranka u leeyihiin magac iyo maamuus. Dunida oo dhan ayaa laga daawadaa oo laga dhegaystaa, bulshadeenna isku xidhkeeda, is dhex galkeeda iyo waddaniyada qeyb ka mid ah weeye. Ciyaaraha looguma talo-gelin inay noqdaan meel lagu coloobo iyo meel la iskaga hor yimaado, waxa loogu tallo galay inay noqoto meel dhalinyaradu isku barato oo isku dhex gasho oo ay noqdaan meel ay ku farxaan oo ku ciyaaraan.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay ujeeddooyink laga leeyahay tartanka ciyaaraha gobollada, isaga oo dhanka kale talooyin u soo jeediyey dhalinyarada, “Waxaan doonaynaa ciyaartoy ka qeyb gasha ciyaaraha adduunka oo magac iyo maamuusba ku yeesha inaanu soo saarno. Ugumaynaan talo gelin dhalinyaro magaalo ka timi inay iyagu is qabsadaan oo is dilaan, macnaha ciyaaruhu kaas ma aha,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu dhalinyarada Somaliland ku booriyay inay u soo jeedsadaan ciyaaraha, dhismaha jidhkooda iyo dhismaha maskaxdooda.

SOMALILANDPOST.NET