Madaxweyne Siilaanyo oo mar kale ballan-qaaday in Xukuumaddiisu Daryeelayso Agoonta iyo Naafada Mujaahidiintii u halgantay dib u xoraynta dalka

 

Image

 

Hargaysa(SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-Octoer 2013 awgeed oo ah maalinta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM.

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM  oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo mara,  maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena.

Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro, Xukuumadda Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.

 Madaxweyne Siilaanyo, ayaa muddadii saddexda sanno ahayd ee uu talada dalka hayay iyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa, waxa uu tiroba dhowr jeer ballanqaaday in xukuumaddiisu u dedaali doonto daryeelkii agoonta ay ka tageen iyo Naafada ka hadhay Halyeeyadii SNM ee ka qayb ka qaatay halgankii Dib-u-xoraynta Dalka, balse ballanqaadyadaasi may noqon qaar hirgalay, waxaana inta badan xarumaha dawladda bannaanbaxyo cabasho ah la hortaga Agoonta iyo Naafada mujaahidiintii SNM oo tirsanaya daryeel la’aan iyo dayacaad ay xukuumaddu kaga gaabisay xuquuqdii ay Qaranka ku lahaayeen.